Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2414

July 27,2010                                                                                   Sha'ban 15,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

C/Raxmaan Cabdiqaadir Oo Iska Casilay Guddoomiye-Nimadii Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka

Hargeysa, July 27, 2010 (Haatuf) - Guddoomiyihii guddida Ilaalinta Hantida Qaranka ee Xisbiga Kulmiye dhawaan Magacaabay, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, ayaa shalay iska casilay xilkaasi kadib markii uu ku guuldaraystay inuu ka mid noqdo xubnaha xukuumadda Cusub ee la filaayo in Madaxweynaha Cusub Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo uu magacyadooda maanta ku dhawaaqo, sida ay ilo xogogaal ahi ay Haatuf u sheegeen, Madaxweynaha cusub ayaa maalintii doraad u quus gooyey saddexda guddoomiye ku xigeen iyo xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye rajadii ay ka qabeen inay ka mid noqdaan golihiisa wasiirada, iyadoo sida la sheegay Madaxweyne Siillaanyo xubnaha hogaanka xisbigiisa kula taliyey inay culayska saaraan siddii ay xisbiga ugu shaqayn lahaayeen isla markaana arimihiisa wax uga qaban lahaayeen.

Guddidan uu C/raxmaan Cabdiqaadir guddoomiyaha u ahaa oo marka horeba sharciyadooda lagu muransanaa ayaa la sheegay in madaxweynaha la doortay doraad uu amar ku bixiyey inay hakiyaan hawlahooda kaddib markii mad madow laga soo sheegay hanaanka ay u wadaan hawshooda.

Qaar ka mid ah guddida ayaa warar xogogaal ah sheegeen inay kharash weydiisteen hay’adihii ay dabagalka ku sameynayeen, taasoo meelaha ay kharashka weydiisteen ay ka mid yihiin, baanka dhexe, agaasimaha guud ee wasaarada Maaliyada iyo meelo kale.

Guddida ayaa lagu eedeeyey inay si khaldan u adeegsadeen hawshii loo igmaday iyaga oo la sheegay inay ku kaceen arrimo baalmarsan nidaamkii loogu talo galay inay ku shaqeeyaan taasoo ahayd inay wixii macluumaad ah ee ay helaan ku soo celiyaan madaxweynaha la doortay hase ahaatee taasi ma dhicin.

Sidoo kale Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka ee uu madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo magacaabay ayaa maroorsatay hanaankii talada maamul ee dalka ka jiray, iyadoo la xaqiijiyay in warqad qarsoodi ah ay todobaadkii hore u kala direen taliyeyaasha ciidanka Bilayska iyo Qaranka ee gobolka Awdal taasoo ay ku sheegeen inay Awdal u magacaabeen guddi hoosaad ilaalisa hantida qaranka.

Sidoo kale Habka guddidani u dhaqantay mudadii ay hawsha wadeen  ayaa u muuqatay inay awooda talada ka hororsanayeen  madaxweynaha la doortay.

Si kastaba ha ahaatee baaqashada warbixintii laga sugayay guddidani inay soo bandhigaan ayaa dadka qaar ku macneeyeen in aanay guddidu marka horeba  wax ay soo bandhigaanba aanay hayn halka dadka qaarkood sheegayaan in musuq maasuq ay ku kaceen xubno ka mid ah guddidani sababay  inay hakad gasho hawshii ay wadeen.