|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2414 |
July 27,2010 Sha'ban 15,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Al-Shabaab-Ta Uu Hogaamiyo Atam Oo Khasaare Balaadhan Kala Kulantay Puntland Boosaaso, July 27, 2010 (W.Wararka) – kooxda Alshabaab ee fadhigeedu yahay buuraha bariga Sanaag ee Galgala ee uu hogaamiyo ninka lagu magacaabo,Maxamed Siciid Atam ayaa khasaare kala kulmay weerar ay shalay subixii ku qaadeen ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland oo ku sugnaa tuulada Karin oo 40 Km u jirta Boosaaso. Ururka Alshabaab kooxdiisa u qaabilsan Puntland iyo Somaliland ee ka amar qaata Maxamed Saciid Atam ayaa shalay weerar gaadmo ah ku soo qaaday xarun ciidamada Daraawiishta Puntland ku sugnaayeen, kuwaasi oo isu diyaarinayay in ay hawlgalo ka fuliyaan buuraha Galgala oo xarun u ah kooxda weerarka soo qaaday ee taabacsan ururka Alshabaab. Wararka laga helay dagaalkaasi ayaa sheegaya in 4 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ay ku dhinteen halka Shan kalena ay kaga dhaawacmeen waxaana la keenay dhaawacyadaasi cisbitaalka magaalada Boosaaso oo lagu daweynayo. Kooxda Alshabaab ee weerarka soo qaaday ayaa laga dilay 11 dagaalyahan waxaana laga dhaawacay tiro ku dhow 15 halka gacanta lagaga dhigay 6 dagaalyahan. Sida uu sheegay madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Maxamed Faroole, waxa ka mid ahaa maxaabiista laga qabtay ururka Alshabaab, Jaamac Ismaaciil Ducaale oo ku jira liiska argagixisada caalamiga ah. Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo ka hadlaya khasaaraha soo gaadhay kooxda Alshabaab waxa uu yidhi,"Dad badan waa laga laayay, Madaxda laga qabtayna waxaa ka mid ah Jaamac Ismaaciil Ducaale oo ah nin Argagixisada caalamka ku jira oo hada ka hor soo weeraray isaga oo koox ajnabi ah wata magaalada Baargaal, halkaasna dagaal caalami ah lagula galay balse ka baxsaday " ayuu yidhi Faroole oo intaa raaciyay in kuwa soo weeraray Puntland ay yihiin kuwo dhibaato ka geystay Soomaaliya isla markaana col la ah nabadda. Waxaa kale oo uu Faroole ugu baaqay shacabka Puntland inay iska difaacaan kuwa duulaanka ku soo qaaday jiritaankooda, hubka ay heystaana la soo baxaan si ay isaga difaacaan. Waxa uu sheegay Faroole in dagaalkan aanu aheyn dagaal ku kooban Gobol ee uu yahay dagaal caalami ah oo Gobolka oo dhan saameyn doona, ujeedada laga leeyahayna ay tahay in ay xidhaan marin biyoodka Cadan sidoo kalena ay cuuryaamiyaan dhaqaalaha gobolka. Dagaalka labada dhinac dhex maray oo ahaa mid aad u xoogan ayay labada dhinac isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dhinaca Ciidamada Puntland ka qayb qaatey dagaalkaas ciidamo uu tababaray Mareykanku oo lagu magacaabo PIS. Mr.Atam oo ka ganacsada iibka hubka kootarabaanka ah ayaa in muddo ah ciidamo ku tababarayay buuraha bariga Sanaag ku yaala ee Galgala, waxaana dhowaan soo gaadhay ciidamo xoojin ah oo ka socda ururka Alshabaab ee ka dagaalama Somaliya. |