|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2414 |
July 27,2010 Sha'ban 15,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Xukuumadda Cusub Maxay Ka Qaban Doontaa Ganacsatada Xiliga Kala Guurka Cirka Ku Shareertay Ascaarta Maceeshada Warbixin, Maxamed Cumar Jibriil In kastoo guud ahaan ganacsiga dalka jamhuuriyada Somaliland lagu tilmaamo mid aan fadhiisan oo sida mawjaha bada marba meel u butaaca ayaa waxa ku soo biiray jawi kala guur ah ay dalka ka dheceen doorashooyinkii madaxtooyadu. Dalka jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa lagu tiriyaa wadama xaga dhaalaha ugu hooseeya aduunka, laakiin waxa ay ku faanaan oo aan mar na la iska indho tiri karin in dalka ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ganacsi oo si xor ah uga dhex socda guud ahaan gobolada dalka. Maadaama oo guud ahaan dalka jamhuuriyada Somaliland laga dareemayo isbadalka siyaaseed ee doorashooyinkii madaxtooyada ee ka qabsoomay dalka 26 June 2010, ayaa wax sidoo kale dareen xoogani ka jiray dhinaca ganacsiga oo si toosa ugu talaalal isbadalada ka socda dalka. Hadaba hadii aynu unimaad gacsiga caasimda dalka ee Hargeysa waxa todobaadadii ugu danbeeyay hoos udhac ku yimid Naaftada oo ka mid ahayd ascaarta ugu qiimaha saraysay intii aanay doorashadu ka dhicin dalka, hase ahaatee waxa iyagu isbadalo dag dag ah la la kulmay qaybo kamid ah quutal daruuriga ku waas oo ay ku jiraan Sonkorta iyo Bariisku, Suuqyada Hargeysa shalay waxa lalka siisanay 50kg ee Bariiska ah $31 doller halka oo wax isbadal ah lamuu kulmin, kiishka 50kg ee Sonkorta ah ayaa waxa la kala siisanayay $40 doller halka todobaadkii hore uu ka taagtaa 30$ doller Sonkorta oo kamid ah noocyada raashinka loogu isticamaal badan yahay dalka ayaa waxa mar qudha ku biiray lacag gaadhasa 10$ doller taasina wax aay keentay in dad badan oo ka gacsda Shaah ama Makhaayaduhu ay durbadiiba kordhiyaan qiimaha Koobka Shaaha ah, oo kordhay labanlaab. Kartoonka Baatada ah ayaa waxa uu qiimhiisu marayay Todobaad ka hor 9$ doller laakiin waxaba iskamay badalin. Caanaha Cadayska ah ayaa waxa ay Todobaadkii hore joogeen 11$ doller halka ay hada ka marayaan 12$ doller, caanaha Nido ayaa waxa ay qiimahoodu marayaan 18$ doller Daqiiqda ayaa waxa ku kurdhay 1$ doller waxana ay gaadheen 22$ doller mar shalay wargeysa HAATUF uu soo dhexmaray Suuqa weyn ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu waraysi kooban la yeeshay mulkiilaha bakhaar ka IID Store Xasan Maxamed Warsame (Tuubo) Bakhaarkan oo ku yaal badhtamaha suuqa. Waxana uu sheegay si ay ascaarta suuqyadu isku bad badasho. Guud ahaan suuqyada dalka Somaliland oo ay la socdaan sarifka lacagahu ayaan haba yaraatee marna fadhiisan. Waxana lagu tilmaami karaa oo loo aanayn karaa dalka oo aan haysan dowlada adag oo dajisa ganacsiga dalka. Guud ahaan dadka Somaliland iyo gaar ahaan ganacsada yaasha ayaa waxa ay si wayn uga dhur sugayaan is badalka xukuumadaha ee maanta ka dhacaysa qasriga madaxtooyada Somaliland. Madaxweyne Daahir Rayaale oo dalka madaxweyne u soo ahaa mudo gaadhasa 8sano ayaaa waxa laga weereejinayaa masuuliyadii uu qaranka u hayay waxana loo caleemo saari doonaa Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye, ah na Madaxweynaha Talada dalka ku guulaystay Axmeda Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Hadaba dadka ganacsatada ah ayaa waxa ay ka rajo sugayaan in dowlada cusubi waxa kabadal muuqda oo horumarle ku samayn doonto, ganacsiga. Ganacsiga oo ah shay muhiim u ah dalkasta oo dunida ku yaal ayaa waxa Somaliland u sii dheer baahida ay u qabto ganacsiga xorta, iyada oo aanu dalku lahayn waxa soo saar buuxa ama ku filan, taasina waxa ay ku khabaysaa in ugu yaraan cuno ku filan ay ka soo dhoofsadaan dalalka dibada. Hadaba ugu danbayntii waxa dowlada cusub iyo madaxweynaha maanta la caleemo saarayo looga fadhiyaa in ay gacan qabtaan oo si buuxda u taageeran ganacsatada yar yare ee ka hana qaaday Somaliland. Si dalku ugu istaago jidka ay ku taamayaan ee horumarka iyo ganacsiga xorta ah. |