|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2414 |
July 27,2010 Sha'ban 15,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Xlidhibaan Cali Mareexaan Oo Dhinac Isaga Leexiyay Eedo Musuq Maasuq Oo Loo Soo Jeediyay Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka Hargeysa, July 27, 2010 (Haatuf) - Xildhibaan Cali Mareexaan oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland, islamarkaana ka mid ah guddida ilaalinta hantida qaranka xilliga kala guurka ee madaxweynaha la doortay Axmed Siilaanyo dhawaanta magacaabay, ayaa waxba kama jiraan ku sheegay warar warbaahinta qaar qoreen oo sheegayay in gudiidu masuuliyiintii ay baadhayeen ee xukuumada xilka wareejinaysa ay waydiisteen kharash, islamarkaana aanay ilaa hada aanay soo bandhigin warbixnta hawsha loo xilsaaray ee ilaalinta hantida qaranka. Md Cali mareexaan, waxa uu sheegay in hawshii guddidu ay wadeen aanay joojin, islamarkaana, warbixnta u gudbin doonaan madaxweynaha waxyaabah degdeg ah ee loo baahdo in wax laga qabtana hay’adaha amniga loo diro, taasoo uu beeniyay in guddidu aanay musuqmaasuq faraha la galin, hawshana sidii loogu talo galay u socoto. Xildhibaan Cali Mareexaan, isaga oo arrinkaas kahadlayana waxa uu yidhi “Waxa dhawr maalmood aan ku arkaynay saxaafada, gaar ahaan Haatuf, warbixino ku saabsan guddidii madaxweynuhu u magacaabay ilaalinta hantida qaranka xilliga kala guurka ujeedad loo samayeeyana ahayd xilliga kala guurka aan wadanka wax hantiya haday mid ma guurto iyo haday mid guurto ah aanay ka dayacmin, horta guddidii si habsami ah bay u shaqaynaysaa, warbixinteedana iyadoo rasmiya waxay u gudbinaysaa madaxweynaha wixii dedeg ahna hay’adaha booliska ayay u gudbisaa. Ta kale ma jirto guddi shaqadeedii jooojisay, sida ay saxaafada qaar qortay, markaa waxyaabo musuqmaasuqa oo na soo kala dhex galay ma jirto. Haatuf in aanan musuqmaasuq ahayn way i taqaanaye laakiin waxaan filayaa xisbul xaakim baanu noqonaye malaha dulqaadkayaga ayay eegayaan, cid ama maaliyadda ama Baanka dhexe ah oo cid guddida ka tirsan oo waxaan sharci ahayn waydiisay ma jirto, taa lafteeda hadaan kaftamana markii ay talinayeen ama ay noolaayeen-ba waxba maanu weydiin jireene. Waxaan warbixntan ku soo koobayaa laba arrimood, warbixnta gudbinteedu inay ku haboontahay in wixii Report ahna u gudbino madaxweynaha u magacaabay, wixii degdeg ah ee la isleeyahay wax qabasho degdeg ah bay u baahan yihiin inaanu u gudbino hay’adaha bilayska, markaa arrinta nuxurkiisu waa taas” sidaas ayuu hadalkiisa ku soo gabobgabeeyay xildhibaan Cali Mareexaan. S: waxaad hore u sheegteen inaad soo bandhigi doontaan hawlihii la aad qabateen, taa iyada maxad ka odhan lahayd? J: wax badan baanu runtii qabanay, laakiin markii guddidu dib isku aragtay waxay samaysay sixitaan waxyaabo badan oo degdeg ah oo wax qabasho u baahan baa jira, oo waxyaabaha la noo diray waa ilaalin hanti, markaa intii aanu u marin lahayn saxaafada waxa nala wanaagsanaatay oo sharci nala noqotay oo wax ka qabashada u wanaagsanayd, haddii ay warbixin tahayna madaxweynaha u dirno, haddii ay degdeg ah in wax looga qabto u muuqartana inaanu hay’adaha bilayska aminaiga aanu u diro sidaas ayaanu markaa u aragnay dariiqa saxda ah ee hawshan lagu maamuli karo. S: ma waxaad leedahay shacbiga uma soo bandhigayno warbixinta hawsha, sida hadalkaaga ka muuqata? J: Shacbigana waanu usoo bandhigaynaa marka loo baahdo, laakiin talaabooyinku siday u kala horeeyaan ayaanu u aragnaa sidaa inay ku qurux badan yihiin si ay wuxu u noqdaan wax midho dhal ah oo wax ka qabasho u baahan. S Waxa la sheegay in xubno ka mid ah guddidiina ay laaluush waydiisteen qaar ka mid ah masuuliyiintii ay baadhayeen, arrinkaas maxaad ka odhan lahayd? J: taa waanigii hore u sheegay oo Haatuf way na taqaana inaan musuqmaasuq ahayn, markaa xisbil xaakin baanu noqonay oo malaha dulqaadkayaga ayay eegayaan, arrintaasi haba yaraatee wax jira maaha wax horena nooga suuroobay maaha, waxa baanka u tagay afar xubnood, gudoomiye C/qaadir, cadami iyo laba dumara Xusni iyo Aamina waxa qudha ee ay weydiiyeena waxay ahayud in hantida qaranka la ilaaliyo oo kaliya markaa waxaasi wax jira ,maaha. S: hawsha guddidiina ka sokow waxaad ka mid tahay xildhibaanada Kulmiye ka soo baxay, xisbiguna waa ka talada dalka ku guulaystay, waxa jira xil doon badan xildhibaano ayaa la sheegay inay ka mid yihiin adigu xil in laguu dhiibo ma ku talo jirtaa? J: Ma ogi cid baarlamaanka ka tirsan oo hada xilal doonaysa, baarlamaanka inta Kulmiye kaga jirtaa wuu shiray waxanu isku raacay sida sharcigu yahay inaanay iyagu dhismaha dawlada ka qayb galin, culays kale oo jiraana ma jiro ee waxa jira un waxyaabaha dabiiciya oo dadku inay wax doontaan xaq bay u leeyihiin, laakiin cidii madaxweynuhu soo saaro ee dawladii dhamaantood in lagu wada qanco ayaan anigu kuu xaqiijinayaa oo aan khilaaf ka iman doonin haddii Alle yidhaa. |