Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2414

July 27,2010                                                                                   Sha'ban 15,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Magacaagu Yuu Noqon Mid Xumaan Kaaga Marag Kaca

Maxamed Cali Shaafici Jaamacada Hargaysa Kuuliyada Sharciga

Maanta waa maalin mudan oo ay tahay in la xuso oo la xasuusnaado waayo waa  maalin ka  mid ah maalmihii aynu sugaynay ee isbadalka, tayada iyo hawlkarnimada sidaa daradeed maanta dhaliili ma jirto, iman se doonta mooye, si kastaba ha ahaate qalinku maanta wuxu ku aroorayaa waano iyo dardaaran ku wajahan ragga maanta guusha tirsanaya ee ay ummaddu sugayso cid kale maahe waa inamaddii  aan doortay ee aan inbadan qalinka ugu doodi jiray inkastoo danlaawe iyo yasmo aad ka mudatid u adeegida wixii aan ka ahayn naftaada hadana toosinta iyo hagida madaxdu waa waajib saaran muwaadin kasta.

inamada la doorten maanta la dardaarmaynaana waa ragg aan ka dhereg sanahay afkaartooda iyo rayigooda oo leh  hiyi durugsan  oo aanay aragtidoodu ku dabranayn gur-gur qaanso,  waxna ka arka in nabar ka durgsan daqsin geel waana sababtan u doortay aan hadana ula dardaaramayo xaqiiqatan waa la soo dardaarmay waano iyo tusaalayn way iga horaysay waxaanse u ciidanhay waa weedhaydii oo aanan marnaba la gaabsanayn balse horta waxa iga xasuusin ah in toban sano jihaad ah ayaynu  ka soo gudubnay waayo qaxo la joogay iyo bali gubadle ayay beryahaasi ku dhamaadeen guulba se ka danbaysoo dalkeeni xoraynay.

dal ayaynu yagleelnoo mandeeqdii baadiyowdaa alle soo celiyay is dhaarsi dabadeed nabadba, islaaxay, midnima timoo ilaa haatan waynaga hadhsanayn nabadii beri samaad aynu gaadhnay. laba sanadood oo SNM hogaaminaysay wadanka dabadeed geesigii aan dabadii la arag ayaa wadanka caynaanka u qabtay lama soo koobi karo wax qabadkii marxuum Cigaale dalkii wuu dhisay dadkiina wuu dhisay walalnimo iyo muxibu dhexeedni ka dhaliyay  dawladnimona wuu ina baray oo waynagaa wali maalayna duruusti la yaabka lahayd ee u inoo mariyay.

Si kastaba ha ahaate dib u heshiisintii beelaha Somaliland, aftidii dastuurka qaranka loogu codeeyey, iyo aas-aasadii habka iyo hanaanka xisbiyadda badan(multi party system) ayaa ugu mihiimsan waxyaabaha lagu xasuusto marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Allihii sare ayaa oofsaday oo dhimay Cigaal laakiin geesiyadi may dhamaan oo gurtiba talisoo sharcigiibay dabaqeen misana taladii dalka waxa caynaanka u qabtay Daahir Rayaale Kaahin muddo yar dabaddeed wuxu ku guulaystay inuu ka ka dhabeeyo riyadii hogaamiyihii ka horeeyay ee Cigaal doorashooyinkii deeganka, madaxooyada iyo barlamaanka ayaa qabsoomay oo guushaas cidi lama lahayn ina rayaale marka laga reebo shacabka rer Somaliland oo iyagu lafdhabar u ahaa.

ina Rayaale xisbigiisi ayaa ku guulaystay oo kaalinta kowaad ka galay doorashooyinkii deegaanka halka kulmiye iyo ucidna noqdeen kaalmaha labaad iyo sadeexaad sidaas ayaanay xsbiyadii qaranku u soo baxeen doorashadii madaxtooyada ayaa la gaadhay misana guushu waxay raacday udub halka Kumiye iyo Ucid ka guuldaraysteen ,gob ayay noqdeen axmed siilanyo iyo faisal oo way aqbaleen sharaf iyo sumcad waxaan ahayn looma hayn ila doorashadii u danbaysay, si kataba ha ahate waxa iyana dhacday doorashadii golaha baarlamaanka kuraasta u badana xisbiyadii mucaaradka ayaa ku guulaystay.

muddo sideed sanadood ka dib ayaa mar labaad doorashadii madaxtooyadu dhacday waxa la yaab boqotay in ninkii sideed sanadood ka hor laga adkaaday guulaysto waxase ka sii yaab badnayd in madaxweynihii laga adkaaday aqbalay in lagaga adkaaday cod dhan49.57% waa gobonimo iyo sharaf Somaliland dheertay wadamada jaarka oo ku caan ah kelitali bal eeg hada Djabouti, Ethiopia. Kenya Iyo Eriteria.

Daahir Rayaalena wuxu qaatay gobonimo sharaf u dheeryahay ninamkii ka horeeyey wuxu noqday hogamiyihii u horeeye Africa la doorto ee hadana markii laga badiyey si nabad iyo kalsooniyi ku jirto u aqbalay natiijadii lagaga adkaaday......maaha wax ka baxayay xasuusta quruunta madaw iyoSsomalidaba abid.

maanta somalilamd way guuulaysatay oo dimoqraadiyadiibay abaartay ,shacadkii somaliland wuu guulaysty oo awoodoodi ayaad dibada u soo baxday waxay ogaadeen in iyagu awooda ay leeyihiin oo ay la xisabtami karaan kii ay garan waayaana si kalsooniyi ku jirto warqad ku diri karaan isku soo duubo somailand ddka ayaa awood leh,axmed siilanyo wuu adkaaday oo madaxweyne la oortay ayuu noqday, Daahir rayaalena wuu guulaysto oo gobonimo iyo sharaf ayuu qaatay halka faisalna noqday ninka guusha ugu badan ee dimoqraadiyada soo hooyay

CId laga adkaaday ma jirto snadkani waa sanadkii guusha somaliland gob iyo garab ayaa soo baxay oo dalkeeni wuu socday somaliland heerar kala duwan way soo martay maalmo iyo habeeno la xasuustana way jiraan maantana waynaga gaadhnay heer madaxweyne la doortay bedelay madxweyne waana halkii ugu saraysay ee dimoqradiyada suasha se manta taala waa xagga looga gudbayaa iyo xageeba lagu socd.

guntii iyo gabagabadii madaxweynaha boqran ee maanta dhaarta sugaaya waxan leeyahay, sideed sanadood  dabadood waad adkaatay guul ayaad tirsnaysaa  horaa loo yidhi gandoodka iyo quusta waa lagu gumoobaaye waxad soo martay jid dheer oo u baahnaa adkaysi ragganimo iyo samir intaa dabadeed waxa kuu hiiliyay ummada rer somaliland marka laga tegi waayona ragganimo iyo adayg aad u dhalataad ka so baxday jidkaa wada booramaha ahaa waxase maanta ku horyaala alle ha sahlee hawl u baahan dadaal dacadnimo iyo karti sida keli ah aad kaga gudbi kartaana waa(hard work and ditermination)

mudane madaxweyne waxa ku soo eegaaya indho badan waxa kuu diyaar ah qaran dhan oo dhisan keliya maanta lagaagama baahna dib u dhis qaran iyo haayadihii dawliga ahaa nimankii kaa horeeya wakhtigoodi inti badnayd ku kharash gareeyay dib u dhis iyo heshiisiin, maanta waxaanu kaaga fadhina horumar haday noqoto waxbarashada,caafimaadka iyo cadaalada oo ogowna waa qdobo xasaasi ah oo madaxweynihii ku guuldaraystaa uu gelin horeba caraaabaayo madaxweyne waxaanu kuu dooranay in aad noo shaqaysid oo aad nuugu shaqaysid si cadaalad iyo hufnaani ku jirto madaxweyne noqo aabo qarn oo umadu u simantahay.                         ma rabno in dawladaadu noqoto mid aarsi oo la qoomameeye,waxaa lagaga fadhiyaa inaad liqdid wixii xumaan iyo aargoosi keenaaya oo ad  u ilawdid danta dalka iyo dadka somaliland maanta uma baahna cid u abtirisa waxay se cidantahay cid wax u qabata umada somaliland waxay doorbiday waa adiga oo ay xal mooday hana noqon abaal ka dare la qoomameeye ee noqo nin sharaf iyo sumcad ku dhex leh umadiisa oo taarikhda aan duugobayni qorto      guntii iyo gabagebaddi madaxweyne......................................................................

midigtaadu yay noqon

mid toleed u murqweyn

murjinkaagu yuu noqon

magli Dila walaalki

magacaagu yuu noqon

m xumaan kaaga marag kaca

sida macawisaha qaar

ninba maalin yuu xidhan

hadba kii murad leh

hawga dhigin maqaar saar

hana talin masiibiyo

wax makhluuqa kala dila

maskaxdaadu yay noqon

maqal lagula leeyahay

yaan toban muftaaxiyo

lagu furan masaabiir.