|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2414 |
July 27,2010 Sha'ban 15,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Xaruntii Telefishanka Al Carabia Ee Baghdad Oo Qarax Lala Beegsaday Baqdad, July 27, 2010 (W.Wararka) - Xafiiska Telefishinka Al-Carabiya ee magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq ayaa shalay galinkii hore lala beegsaday Qarax weyn, waxaana ku dhintay lix qof halka 16 kalana ay ku dhaawacmeen. dadka halkaa wax ku noqday ayaa u badnaa shaqaalihii xafiiskaa telefishinka Al- Carabiya. Telefishinka Al- Arabia oo xaruntiisa ugu wayni ku taalo magaalada DUBAI ee dalka Emirateka ayaa shalay shaaca ka qaaday in dadka halkaa ku dhintay ay ku jiraan Laba kamida ilaaladii xafiiska iyo shaqaale ka shaqeynayey hudheel uu Telefishinku lahaa, Dadka dhaawaca ah oo ilaa iminka 16 qof ah ayaa waxaa ku jira qaar ka mida wariyayaashii iyo farsamo yaqaanadii Telefishinka Al-ARABIA, Daariq Maahir oo ka mida Wariyayaasha telefishinka AL-ARABIA ee ku sugnaa xafiiskaa magaalada Baqdaad markii uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxaasi dhacay shalay galinkii hore markay saacadu ahayd 9:25 daqiiqo kas oo ahaa mid aad u weyn isla markaana uu halkaa ku dhaawacay 16 qof oo ka mida shaqaalihii Telefishinka halka lix kalana ay ku dhinteen. telefishinka AL-ARABIA oo ay iska leeyihiin maalqabeeno Sucuudi ah ayaa sheegay in baryahaaba ay uga imanayeen hanjabaado kooxo argagixiso ah iyadoo qaar badan oo kamida wariyayaasha telefishinkaa ee ku sugan dalka Ciraaq loo geystay dil iyo dhaawac labadaba wakhtiyo sii horeysay. |