|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2414 |
July 27,2010 Sha'ban 15,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Liverpool Oo Ku Hawlan Sidii Ay U Xakamayn Lahayd Fernando Torres Tababaraha kooxda Liverpool Roy Hodgson ayaa aaminsan in uu ka dhaadhicin karo Torres in kooxda uu sii joogo isagoo u maraya wado kasta oo ciyaaryahanka ka dhaadhicin karta in waqti kale uu kusii qaato kooxda. Hadalkan ayaa soo baxay kadib markii kooxda Chelsea ay soo bandhigtay lacago dhan 60 milyan iyo mushahar ku filan cayaaryahanka. Tababaraha kooxda ku ciyaarta garoonka Anfield ee Liverpool Roy Hodgson wuxu doonayaa in xiliga soo socda uu tartan u galo horyaalka Ingiriska oo Liverpool ayna qaadin 19-kii sanno ee ugu dambeeyay isagoo hore u sheegay in Torres iyo Gerrard ay yihiin xidigaha uu ku tashanayo xiliga cusub ee furmaya. Fernando Torres oo 26 jir ah ayaa waxa uu doonaya kooxo ay kamid yihin Chelsea,Manchester City iyo Barcelona oo muddo dheer uu bartilmaameed u ahaa. Tababare Hodgson ayaa sheegay kadib markii uu lasoo saxeexday Joe Cole oo lagu daray Gerrard iyo Torres ay ka dhigan tahay in kooxda Liverpoo dagaal u gali karto horyaalka ingiriiska iyadoo sanadkan ayna ciyaaraynin koobka horyaalada Yurub. Agaasimaha kooxda Liverpool Christian Purslow ayaa dhowr jeer wada hadalo la qaatay Torres waxana kamid ahaa kulan todobaadkii lasoo dhaafay uu la qaatay ciyaaryahanka oo uu kula qaatay magalada Majorca oo Torres uu ku sugan yahay isagoo kala hadlay suurtogal nimada uu ku sii joogi karo kooxda Mid kamid ah Milkiilayaasha kooxda Liverpool Tom Hicks ayaa soo gaadhay magaalada London isagoo wada hadalo la qaatay madaxda maamulka kooxda Liverpool oo ku aadan sidii kooxda loogu sii hayn lahaa ciyaaryahanada Muhiimka ah sida Torres iyo Gerrard. Torres ayaa dalbaday hishiis cusub laakiin waxay isku fahmi wayeen dhanka mushaharaka uu qaadanayo cayaaryahanku iyadoo Liverpool ay dareemayso dhaqaalo daro. Liverpool ayaa waxa ay la kulmaysaa dalabyo ugu imaanaya kooxo badan oo doonaya qaar kamid ah ciyaaryahanadooda ugu muhiimsan sida Gerrard,Torres iyo Mascherano. |