|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2414 |
July 27,2010 Sha'ban 15,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Ancelotti “Ashley Cole Meelna Uga Dhaaqi Maayo Chelsea” Tababaraha kooxda Chelsea carlo anceloti ayaa waxa uu sheegay in difaaca wadanka Ingiriska Ashley cole uu sii joogayo kooxda. Kooxda Real Madrid ayaa waxay si weyn u doonaysaa dufaaca wadanka ingiriska Ashley Cole laakiin waxaa diiday inuu kooxda ka tago tababare Carlo Anceloti kaas oo sheegay in uu ku dagaalami doono sidii uu ugu dhaadhicin lahaa in uu sii joogo kooxda Chelsea. Cayaaryahanka caanka ah ee AShle Cole ayaa waxa uu doonayaa in nolol cusub uu ka bilaabo horyaalka Spain iyo magaalada Madrid. Difaaca dambeedka baasha bidix ee Ashley Cole wuxu doonayaa in uu la midoobo mar kale tababarihiisa hore Jose Morrinho kaas oo isna raba in uu dib u hello ardaygiisa hore ee waayihii Chelsea isagoo Morrinho uu ahaa ninkii ka dambeeyay in Ashley uu kusoo biiro Chelsea. Real Madrid ayaa doonaysa in Ashley ay ka saxeexato hishiis afar sano ah iyadoo u maraysa wado kasta xitaa ay sheegtay todobaadkii lasoo dhaafay in Kaka ay ku badalanayaan. Tababaraha kooxda Chelsea Carlo Anceloti oo ku sugan gobolka Emilia-Romagna ee ku yaala waqooyga dalka Talyaaniga ayaa sheegay in uu u marayo xitaa majaajilo sidii uu Ashley uu kusii joogi lahaa Chelsea. “haddii uu Ashley aanu faraxsanayn waxa isku dayi doonaa in aan u hello xal isaga farxad galinaya xitaa laga yaabo in kaftano badan aan iskula kaftamo si aan xal ugu hello waxa hadalkaasi kasoo yeedhay tababare Carlo Anceloti oo haatan fasax ku jooga waqooyga Talyaaniga. |