Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2415

July 28,2010                                                                                   Sha'ban 16,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Dawlada Uk Oo Balan Qaaday Inay Sii Wadi DoontoTaageerada Somaliland Sheegtayna Inay Beesha Caalamka Ku Qancin Doonto Siddii Wax Loola Qaban Lahaa Xukuumadda Cusub

 “Arrinta Muhiimka Ah Siday Aniga Ila Tahay Waxay Ahayd Sida Heshiiskii La Gaadhay Bishii September 2009 Loo Dhaqan Galiyay” Safiir Ku Xigeenka Dawlada Uk U Jooga Dalka Ethiopia, John Marshall

Adis ababa, July 28, 2010 (Haatuf)-Safiir ku xigeenka dawlada UK u jooga dalka Ethiopia, John Marshall ayaa si diiran u soo dhoweeyey munaasibadii xil wareejinta madaxweynaha cusub,Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  loogu dhaarinayay xilka madaxweynenimo ee Somaliland, taasoo uu ku tilmaamay inay ahayd arrin farxad u ah umadda reer Somaliland isla markaana gaba gabo u ahayd xili dhiiri gelin  leh oo  dimuqraadiyada Somaliland soo martay.

John Marshall waxa kale oo uu sheegay in dawlada UK sii wadi doonto gargaarka ay u fidiso Somaliland, isagoo dhanka kalena balan qaaday in dawladiisu u hawl gali doonto siddii beesha caalamku u caawin laheyd Somaliland.

John Marshall waxa kale oo Somaliland uu ku amaanay dhaqan gelinta heshiiskii bishii September ee sanadkii hore ay axsaabta qaranku qalinka ku duugeen kaasoo sabab u noqday inay qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah.

Safiir ku xigeenka dawlada UK u jooga dalka Ethiopia,John Marshall waxa uu sidaas ku sheegay wareysi khaas ah oo uu shalay siiyay idaacada Voice of America laanteeda Soomaaliga.

John Marshall oo la weydiiyay su’aal ahayd, maxaa lagu qiimeyn karaa xil wareejinta labada madaxweyne ee sida nabadgelyada ah uga dhacday shalay Somaliland, isagoo ka jawaabaya wuxu yidhi “ sida cad waa maalin aad u wanaagsan waxaanan u malaynayaa inay tahay marxalad muhiim u ah horumarka Somaliland, waxaanan maanta (shalay) la hadlay laba qof oo ku sugan Hargeisa, waxaana si fiican u muuqata in xafladii kala wareejintu ay si fiican u dhacday, tanina waxaan u malaynayaa inay gabo gabo u tahay xili dhiiri gelin  leh oo  dimuqraadiyada Somaliland soo martay loona arkay inay ahaayeen doorashooyin si xor ah u dhacay iyo xil wareejin si habsami ah ku dhacday, waxyaabo ayaa dhacay oo ay Somaliland ku farxi karto”.

S: Madaxweynaha cusub waxa uu sheegay inuu dawladiisa soo magacaabayo beri (maanta), maxay kula tahay in muhiimada ay saarto marka ay noqoto nabada iyo dimuqraadiyadeynta Somalliland?

J: Waxan u malaynayaa in xukuumadda cusub ay soo foodsaari karaan dhowr caqabadood, waxaana wax aan danaynayno ah in dawlada aanu ka maqalo siday qorshaynayaan arrintan inay wax uga qabtaan, dabcan waxa durba na dhex maray wadahadalo dhowr ah, waxaananu isla soo qaadnay arrimo badan,waxayna hoosta ka xariiqeen arrimaha mudnaanta u ahaanaya amniga ayaa ka mid ah, wanaajinta maaraynta maaliyada iyo isla xisaabtanka iyo in la abuuro jawi ku haboon ganacsiga, kuwaasi dhamaantood waa arrimo muhiim ah oo aan eegayno siday ula tacaasho xukuumadda cusub.

S: Maxaa ka mid ah waxyaabaha sida gaarka ah kuu soo jiitay intii ay socotay dimuqraadiyadaynta Somaliland?

J: Arrinta muhiimka ah siday aniga ila tahay waxay ahayd sida heshiiskii la gaadhay bishii September ee sanadkii aynu soo dhaafnay loo dhaqan galiyay, heshiisyo badan ayaa la saxeexaa oo aan la fulin laakiin tani way ka duwanayd, isla markii heshiiska la saxeexay guddi doorasho qaran oo cusub ayaa la sameeyey waxaanan u malaynayaa in guddida doorashada qaranku uu shaqo aad u wanaagsan qabtay wanaag  badana waa loo tirinayaa sida ay u habeeyeen doorashada,saddexda xisbi iyadoo wanaagooda la sheegayo waxay siiyeen fursad balaadhan oo ay guddidu hawshooda ku qabsadaan. Markii heshiiska la saxeexday bishii September waxa jiray dad shaki ka qabay in heshiiskani uu midho dhal noqon doono laakiin anagu kalsooni ayaanu ku qabnay in heshiiskani uu midho dhali doono, shayga dhiirigelinta lahaana waxa uu ahaa in heshiisku siduu ahaa loo dhaqan galiyo.

S: Maxaa laga yeelayaa aqoonsiga Somaliland,abaalmarinta ugu dambeysa ee ay Somaliland raadinayso waa inay aqoonsi hesho, dalka ay sida weyn uga sugaysaana waa dalka UK oo gumeysan jiray, jawaabtaadu maxay tahay?

J: Waxay ila tahay in mudnaanta ugu horeysa ee Somaliland ay tahay kaddib guusha laga gaadhay doorashooyinka, inay beesha caalamka ku qanciso wixii kale ee lala qaban karo, waana wax naga go’an in aanu wax kala qabano siddii aaanu beesha caalamka u weydiin laheyn wixii kale ee Somaliland lala qaban karo si loo taageero horumarinta iyo xasiloonida Somaliland, beesha caalamkuna hadafka ay ka leedahay gobolku waxa weeyi horumarinta xalinta khilaafaadka, kobcinta dhaqaalaha, wax ka qabashada argagixisada,waxayna ila tahay in Somaliland ka noqonayso gobolka saaxiib iskaashi lala sameyn karo waana qayb gobolkan ah oo dawlad leh oo gacanta ku haysa dhul hoos yimaada,hay’adihii dawladuna ay u dhisan yihiin.

S: Ma waxad meesha ka saaraysaa in boqortooyada Ingiriisku aanay weligeed aqoonsanayn Somaliland?

J: Waxan leeyahay muddada dhow waxa jira hadaf muhiim ah caqli galna ah, kaasoo ah in gargaar dheeraad ah loo helo horumarinta Somaliland si dimuqraadiyadeeda iyo xasiloonideeda loo sii horumariyo, waxay ila tahay in diirada koowaad taas la saaro.

Safiir ku xigeenka dawlada UK u jooga Adis Ababa,John Marshall ayaa ka mid ahaa xubnihii beesha caalamka ka socday ee Somaliland u soo gurmaday xiligii khilaafaadka cakiran soo waajahay doorashada, waxaanu ka mid ahaa weftigii goob jooga ka ahaa heshiiskii saddexda xisbi ku kala saxeexdeen mudaynta xiliga doorashada ee ugu dambeyntii lagu soo afjaray lixdii qoddob ee beesha caalamku ku dhexdhexaadisay dhinacyada siyaasada Somaliland bishii September 2009.