|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2415 |
July 28,2010 Sha'ban 16,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Axmed Sillaanyo Oo Loo Dhaariyey Xilka Madaxweyninimo Ee Somaliland Shanta Sanadood Ee Socda “Waxaan Ilaahay Ugu Dhaartay, In Aan U Noqonaayo Daacad Diinta Islaamka Dalka Somaliland Dadkiisana Aan Ku Maamulayo Sinaan Iyo Cadaalad Inta Aan Xilka Hayo” Axmed Siillaanyo Iyo C/raxmaan Saylici Oo Ka Daba Yidhi Dhaartaasi Guddoomiyaha Maxkamada Sare Hargeysa, July 28, 2010 (Haatuf) - Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay xilka kula kala wareegayeen Madaxweynihii Hore iyo Madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud Sillaanyo iyo Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana lagu dhaariyey Madaxweynaha Cusub iyo Ku xigeenkiisa ayaa ka qabsoontay Aqalka Madaxtooyada Somaliland, taas oo ay ka soo qayb galeen wufuud kala duwan oo ka kala socda dalka dariska oo ay ka mid aheeyeen Wefti Balaadhan oo uu hogaaminayey Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin, Wefti uu hogaaminayey Wasiirka Dhaqanka iyo dalxiiska Ismaamulka Kililka Somalida ee Ethiopia Mudane Maxamuud Dirir iyo Wefti balaadhan oo ka socday dalka Djibouti, kaas oo uu hogaaminayey Wariirka Warfaafinta iyo Isgaadhsiinta Mudane Cali Cabdi Faarax. Dhaarta Madaxweynaha oo uu dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamada Sare Maxamed Xirsi Omane ayaa Madaxweynaha iyo Ku xigeenkiisa waxa uu ku warageliyey inay ka daba yidhaahdaan “Waxaan Ilaahay Ugu Dhaartay, In Aan U Noqonaayo Daacad Diinta Islaamka Dalka Somaliland Dadkiisana Aan Ku Maamulayo Sinaan Iyo Cadaalad Inta Aan Xilka Hayo” sidaas ayaanay ka daba yidhaahdeen Madaxweyne Axmed Siillaanyo iyo Madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan Saylci. Xafladaasi ay xilka kula kala wareegayeen Madaxweynihii Hore Daahir Rayaale iyo Madaxweynaha la Doortay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa ugu horayn waxa halkaasi hadal ka jeediyey Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, isla markaana ah madaxweynaha xilka wareejinayey waxaana hadalkiisa uu ku bilaabay Daahir Rayaale oo uu yidhi “Maanta waa taariikh taabo gal noqotay oo hir gashay, waxa aan aad iyo aad halkan hambalyo uga gudbinayaa shacbiga reer Somaliland meelkasta oo ay joogaanba, dalka gudihiisa iyo gudihiisa, maanta waxa aan halkan uga jeedinayaa wufuuda dalalka aan walaalaha nahay Djibouti, Ethiopia iyo Kenya sida ay xafladda taariikhiga ah uga soo qayb galeen. Maanta waxa aan ku soo dhaweynayaa walaalkay Axmed Maxamed Maxamuud oo ku guulaystay doorashadii Madaxweyne-nimada, si niyad sami ah iyo kalsooniya ayaan ugu wareejinayaa oo farxad leh, waxaanan balanqaadayaa haddii ilaahay yidhaa, 8 sanadood ayaan xilka soo hayey sanad ku meelgaadh ah iyo todoba sanadood waan garanayaa culayska uu xilkani leeyahay iyo dhibaatada hoostaala, madaxweynaha maanta I bedalaya hawsha uu igala wareegayo ayaan xogogaal u ahay, waxaan anigu leeyahay waan is daba taagayaa gacana waan ka siinayaa, waxaan leeyahay xilkiisa Madaxweynaha hadaan la garab galno wax badan buu ka soo baxayaa, haddii kale waxa uu qabto wuu yaraanayaa, aynu u midawno inaynu is garab taagno. Wuu dhamaaday tartankii iyo Asxaabtii, Guulbuunu ku dhamaaday. Wax ka hadhay ma jiro inaynu dalkeena u wada shaqayno dhamaanteen oo aynu meel uga soo wada jeedsano oo aynu taabo galino qaranimadeena curdinka ah ee muddada aynu soo wadnay ilaahay mahadiina maanta anigu waxa aan ku faanayaa Dimuqraadiyadii aan hirgalinteeda bilaabay, Alle ha u naxariistee uu lahaa madaxweynihii iga horeeyey bilawgeeda iyo barnaamijkeeda iyo kutalagalkeeda aniguna waan hirgaliyey. Maanta waxa taariikh xusuus Somaliland u ah waxa aan is leeyahay aniga iyo Axmedbaa labadii madaxweyne ee ugu horeeyey ee xilka la kala wareega ayaanu nahay. Sababtoo ah aniga Madaxweynihii iga horeeyey wuu geeriyooday isaguna markii cid uu kala wareegay muu jirin, Waxaan leeyahay Axmed waxa ay u tahay Nasiib wanaag oo maanta dal dhisan oo nabad ah oo jira oo isku xidhan oo dadkiisu wada joogaan inuu maanta la wareegayo, waxa aynu soo marnay waxyaabo badan, maalintii uu geeriyooday ala ha u naxariistee madaxweyneheenii hore ee aan isugu yeedhay labadii guddi joogto ee goleyaasha iyo golihii xukuumadda, waxaanu is weydiinay maxaa talo ah Madaxweyneheenii wuu geeriyoodee alla ha u naxariistee. Cabdiqaadir Jirde ayuu ahaa oo dastuurka akhriyey oo yidhi adaa Madaxweyne ah lamaba murmine sidiibaanu iskugu raacnay, isbedelka markaa dhacay ee la isla aqbalay Somaliland waxa uu u ahaa Mucjiso iyo waxay ku faanto oo ah wixii la inagu majiirtay, beesha caalamka iyo jaararkeenu, waxaan ka bilaabay aniga oo wakhtigaasi ahaa Madaxweyne ku xigeenka hawshii markaa taalay ee qabyada noo ahayd aniga iyo Madaxweynihii geeriyooday oo aan ka bilaabo in nabadu ay fure ii noqoto Somalilandna inta maqan aan isla raadiyo halkaas ayaan ka bilaabay, waxaan markiiba ku dhaqaaqay dalalka jaarka aynu nahay Djibouti iyo Ethiopia in aan tago safar degdeg ah inaan ku tago sababtoo ah waxaan arkaayey nabadaa aynu gudaheena ku haysano, haddii aan ta jaarka lagu kabin in aanay waxba inoo tarayn. Waxaan tahay Djibouti oo aan la kulmay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele. Waxaan tagay Itoobiya oo aan Raysal Wasaaraha la kulmay waxaan culayska saaray, ilaa haddana aan hayaa Kalsooni, walaaltinimo iyo xidhiidh sokeeye uu inaga dhaxeeyo dalalka aynu jaarka nahay, Kenyana waan tagay madaxweynaheedana waan la kulmay isaguna si fiican ayuu noo soo dhaweeyey, walaalayaal saddexda wadan ee furaha inoo ah haddii aynu aqoonsi raadinayno iyo haddii wax kale aynu raadinayno saddexdaa wadan aad inoogaga eega, inta kalena way ku jiraan, waxa aan maanta leeyahay taariikhda aanu marayno waa taariikh wanaagsan, waa taariikh gobonimo waa taariikh guuleed in aynu wada ilaalino ayaa aynu u baahanahay, waxaan leeyahay laga bilaabo maanta Ul iyo Diirkeed baynu wada nahay, madaxweynahaa la doortayna inaynu is barbar taagno oo aynu la shaqayno oo ku kaalino hadduu ilaahay yidhaa, waxa kale oo aan halkan uga mahadnaqayaa xisbigayga go’aankii aan qaatay inay igu raaceen, waan u mahadnaqayaa oo ahayd in Doorashada la inaga helay idinkana waan idiin mahadnaqayaa, waxa aan leehay haddii aynu olole ku soo jirnay ololihii wuu dhamaaday, laga bilaabo maanta saaxiibo ayaynu nahay dhamaanteen, waa saaxiibtinimo iyo inaynu u midowno Somaliland baa inoo Balan ah”. Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Madaxweynaha La dhaariyey ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, kaas oo ugu horayn u mahadnaqay Madaxweynihii Hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne ku xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasin iyo martidii ka socotay dalalka Somaliland Deriska la ah, kuwaas oo mug leh uga soo qayb galay xaflada dhaarinta Madaxweynaha Cusub ee la Doortay. Madaxweyne Axmed Sillaanyo waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Madaxweynihii Daahir Rayaale Kaahin ee aan xilka kala wareegayo iyo madaxweyne ku xigeenkii, martida sharafta leh ee halkan isugu timid, walaalahayaga dibada ka yimid iyo wufuuda ka kala socota dalalka aanu jaarka nahay ee saaxiibka nahay, waxan mahad u celinayaa weftiga reer Djibouti ee uu hogaaminayo wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka, mudane Cali Cabdi Faarax, waxan mahad u celinayaa weftiga Ethiopia ee uu hogaaminayo wasiirka Dalxiiska iyo Dhaqanka, Ambassador Dirir iyo madaxweynaha Kililka Shanaad ee Somalida, mudane Cabdi Muxumed Cumar, waxan u mahad celinayaa weftiga reer Kenya ee uu hogaaminayo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya, mudane Faarax Macalin,waxan mahad u celinayaa madaxweynaha Djibouti,Ismaaciil Cumar Geele iyo Ra’isal wasaaraha Ethiopia,Meles Zenawi oo ii soo diray hambalyooyin. Waxan mahad u celinayaa caalamku doorkii muhiimka ahaa ee ay ka qaateen diiwaangelinta, waalalahayaga Mareykanka,Ingiriiska,Faransiiska iyo dawladaha reer Yurub, waxaan u mahad celinayaa dhamaan shacbiga reer Somaliland, axsaabta qaranka, golayaasha sharci dejinta, culimo aw diinka, qurbo jooga, saxaafada. Xilka maanta umadu ii dooratay waa mid weyn oo aad u weyn,Ilaahay waxan ka baryayaa inuu ii fududeeyo, waxaan idinka balan qaadayaa in aan umadda siddii ay igu doorteen ee aan horeba barnaamijka ugu cadeeyey in aan hormuud ugu noqdo oo aan ku dedaalo horumarkooda isla markaana cadaalad ku dhaqo ayaan balan qaadayaa. Insha Allahu tacaalaa burrito ayaan ku dhawaaqayaa khudbadaydii aan qaranka u jeedinayay markaas oo aan ku dhawaaqayo xukuumadaydii ama dawladaydii aan soo jeedinayay inay xilka ila qabato”. Ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). |