|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2415 |
July 28,2010 Sha'ban 16,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Wufuudii Ka Socotay Dawladaha Jaarka Oo Si Weyn U Amaanay Dimuqraadiyada Ka Dhacday Somaliland Hargeysa, July 28,2010 (Haatuf)-wufuudii ka kala socotay dawladaha Somaliland jaarka ah ee dalka u yimid ka qayb galka munaasibadii dhaarinta madaxweynaha cusub, Axmed Maxamed Maxamuud ee xilka kala wareegayay madaxweynihii hore,Daahir Rayaale Kaahin, ayaa si weyn ugu amaanay Somaliland sida dimuqraadiyada ah ee ay u dhacday munaasibadii xil wareejinta labada madaxweyne. Wufuudan oo ka kala socotay dalalka Ethiopia, Kenya iyo Djibouti ayaa sidoo kale dadweynaha reer Somalialand nidaamka dimuqraadiyada ah ee ay qaateen taasoo ay sheegeen inay doorashadii dalka ka dhacday u qabsoontay si xasilooni iyo nabadgelyo ah, waxaanay sheegeen inay tahay wax lagaga daydo. Ugu horeyn guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya, Md.Faarax Macalino hogaaminayay wefti balaadhan oo ka yimid Kenya ayaa ka hadlay sida uu u arko munaasibada xil wareejinta labada madaxweyne, waxaanu yidhi,“weftigayaga ka yimid Kenya wuu balaadhan yahay oo diyaarad idil oo 40 qof ku dhow ayuu ahaa, mudanayaasha kuwo hadda ku jira golaha Wakiilada iyo kuwo hore uga tirsanaaba waa 9 mudane, dareenkaygu waa mid aad iyo aad u sareeya, waa taariikh, waa wax lagu faano, waana wax wanaagsan oo ka dhacay Somaliland, aad baanu u xusaynaa siddii ay u dhacday doorashadii nabadgelyada iyo dimuqraadiyada u dhacday,waxaas oo dhan waanu xusaynaa in aanu kala qayb qaadano xil wareejin ka dhacda Africa oo madaxweyne hore tagayo mid cusubna imanayo oo si sharafle loogu kala wareejinayo waa arrin aad iyo aad u wanaagsan oo anaguna aanu ku faraxsanahay”. Sidoo kale wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Ethiopia, Maxamuud Dirir oo hogaaminayay weftiga dawlada Ethiopia ka socday ayaa ka waramay mawqifka iyo dareenkiisa ku wajahan xil wareejinta Somaliland waxaanu yidhi “run ahaantii waa munaasibad farxad balaadhan leh, waxaanu soo maray dhulka oo aanu ka soo kicitinay magaalo madaxda degaanka Somalida ee Jigjiga, waxaanan dareenay nabada iyo xasiloonida ka jirta dalka Somaliland, siddii wanaagsaneyd ee lanoogu soo dhoweeyeyna waanu u mahad naqaynaa, weftigayagu wuxu ka kooban yahay ergo dawlada federaalka ah iyo xukuumadda deegaanka Soomaalida,waxaanu ka kooban yahay 6 xubnood, waxaanu aad ugu faraxsanahay in arrintan xil wareejinta ee sida wanaagsan u dhacday ay wax weyn ka tarayso nabada geeska Africa oo faa’iido weyn ay u leedahay, gaar ahaan reer Somaliland oo si nabadgelyo ah oo xarago leh doorashadoodii si dimuqraadiyadi ku jirto u dhameystay” ayuu yidhi Maxamuud Dirir. Ugu dambeyntii wasiirka Warfaafinta iyo isgaadhsiinta ee dalka Djibouti,Cali Cabdi Faarax ayaa isaguna ka hadlay dareenkooda ku wajahan xaflada xil wareejinta, waxaanu yidhi “waa farxad weyn, madaxweynihii baxayay ee doorashada laga helay oo soo dhoweynaya xilkana ku wareejiyay madaxweynihii ka helay doorashada, waana wax weyn oo lagu farxo, lagu diirsado in lagaga deydana weeyaan waanan ku hambalyeynaynaa umadda reer Somaliland, horumar baanan u rajaynaynaa” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey Cali Cabdi Faarax. |