Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2415

July 28,2010                                                                                   Sha'ban 16,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Waddada Madaxtooyada Ee Xukuumaddii Hore Xidhay Oo Dawlada Cusubi Xalay Xayiraadii Xalay Ka Qaaday

Hargeysa July 28, 2010 (Haatuf)-Waddada madaxtooyada hor marta ee xukuumadii hore ee madaxweyne Daahir Rayaale ka mamnuucday inay isticmaalaan habeenkii wixii ka danbeeya 6:00-da maqribnimo gaadiidka, ayaa habeenkii xalay ay xayiraadii ka qaaday xukuumada cusub ee madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, islamarkaana loo ogolaaday inay isticmaalaan gaadiidku.

Waddada madaxtooyada hor marta ayaa xukuumada hore xidhay sanadkii 2008-kii bishii October 29 keedii ka dib markii weeraradii qaraxyada ahaa ee caasiamada Hargeysa ay ka fuliyeen argagixisada ka dagaalanta Somalia, ayaa laga xidhay in dadka iyo gaadiidkuba ay isticmaalaan, balse muddo ka dib ayaa maalintii oo qudha loo faxasay gaadiidku inay maraan wadadaasi halka dadka lugta ahna muddooyinkii danbe habeenkii mari jireen.

Mararka qaar ayaa oo ciidamada amaanka loo soo sheego arrimo shaki leh oo ka dhan ah amaanka ayaa ugu horaynba talaabada ay qaadaan waxay ahayd, in waddada madaxtooyada hor marta duhurka cad-ba ay xidhaan, islamarkaana xataa dadka lugaynaya laga mamnuuco inay maraan.

Waddadan madaxtooyada marta aya ah waddada halbowlaha caasimada, taasoo xidhiidhisa suuqa iyo shacabka magaalada oo ay u badan yihiin hay’adaha dawlada oiyo kuwa caalamiga ahba, islamarkaana ay isticmaalaan gaadiid farabadan iyo dadka lugaynayaba, taasoo cadibaad ku ahayd dadka iyo gaadiidkaba oo ay ka soo wareegi jireen wareeg dheer, cadibaadna ku ahayd dadka waaweyn ama xanuunsanaya.

Malmaha qaar ayaa waxa dhici jirtay in ciidanka bilayska loo soo sheego gaadhi looga  shakiyay qaraxyo oo ciidamadu islamarkaaba xukuumadu amar ku siin jirtay in waddada xayiraad laga saaro dadka lugaynaya iyo gaadiidka maalintii maraya.

Furitaanka waddadan xalay ay fasaxday xukuumada cusub ee madaxweynaha shalay xilka loo dhaariyey, inay isticmaalaan gaadiidku ayaa dadweynaha ku nool Hargeysa si weyn u soo dhaweeyeen, taasoo ay u arkeen inay ka hor qaaday xukuumada cusub caqabad weyn oo ummada ka hor taagnayd isticmaalka wadada ee habeenkii.

Talaabdan ay xukuumada cusubi durba wadadii ummada habeenkii ka xidhnayd ayaa dareenka dadweynaha siu weyn usoo jiidatay.