Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2415

July 28,2010                                                                                   Sha'ban 16,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Jawigii Xil Wareejinta Iyo Dhaarinta Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland

Weriye Cumar Maxamed Faarax Hadhwanaagnews

Hargeysa, July 28, 2010 - (Haatuf) – Saacadu waa abaaro 8:00, waa maalin si weyn loo sugayay inay dhacdo xilwareejin ay xilka kulak ala wareegayeen Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud, taas oo badi shacbiga somaliland ay rumaysnaayeen inay u dhici doonto si nabadgelyo ah si la mid ah sidii ay doorashadu dalka uga dhcday, isla markaana ay beesha caalamka iyo wufuudii ka kala socday dalalka jaarkuba ay aad ula yaabeen wixii shalay dhacay oo qaar ka mid ahi ay kuaba tilmaamayeen Mucjiso uu dalkan curdinka ahi uu sameeyey.

Waa maalin taariikhi ah waxa xukuumadii xilka ka dagtay oo uu hogaaminayey Daahir Rayaale ay goobta yimaadeen iyaga oo koox koox iyo kali kaliba u socday. Sidoo kale masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee ku guulaystay doorashada Madaxtooyada ayaa iyana goobta xarunta madaxtooyada oo lagu qabanayay xafladii xil wareejinta yimid iyo dhaarta Madaxweynaha cusub Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ku Xigeenkiisa oo la isku mataaneeyay.

Sugidii Ammaanka

Waxa la xidhay wadooyinka hor mara xarunta Madaxtooyada Somaliland, Marka aad soo gaadho Ishaaraadii duleedka barri ee xarunta madaxtooyada waxaad dareemaysaa ama indhahaagu qabanayeen sida feejigan ee ammaanka loo sugay waxa halkaasi ku sugnaa  Unug ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland (Milatariga) oo iyagu magac weyn ku yeeshay sugidii amniga ee maalintii doorashadii madaxtooyada. Ciidanka Dirayska akhdarka ah oo ku jeeni-qaaran qoryaha boobiyeyaasha fudud ayaa joojiyay inay gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ay ka gudbaan isgoyska ay ku sugan yihiin waxay baadhayeen baabuurta dawladda ee leh lambarka akhtarka ah ee dawlada. waxay sii daynayeen dadka sita kaadhka martiqaadka ah ee xaflada lagaga qayb galayay oo qudha iyagoo dadkaasi laftooda baadhis adag marinayay.

Gidaaradii dunsanaa ee Guryaha ku teedsan wajahada  Madaxtooyada ayaa iyaga la sameeyay oo la dayactiray. ciidanka ilaalada madaxtooyada ee ku sugnaa kadinka laga galo xarunta madaxtooyada ayaa iyaguna ahaa kuwa ugu adag ee aan la dhaafi karin.

Barxada xarunta madaxtooyada ee lagu qabanayay xaflada waxa laga hawl galiyay ciidamo tiro badan oo ka tirsan kuwa dharcada ah ee sirdoonka kuwaasi oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqyada  marti-sharafta aadka loo soo baadhay. waxa madashada ku sugnaa Boqolaal qof oo buux dhaafiyay

 Xafladii Xil wareejinta

Waxa hool goobtii lagu qabanayay xaflada xil wareejinta buux dhaafiyay Boqolaal ka  mid ah waxgaradka iyo labeenta ummadda Somaliland, Goleyaasha Baarlamaanka Guurtida iyo Wakiilada, Golaha Wasiirada ee xukuumadii xilka banaynaysay, waxa madashaasi ku sugnaa wufuud ka timid dalalka mandaqada geeska Afrika oo ay ka mid yihiin dalalka Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya. Dalka Jabuuti waxa ka socday Wefti culus oo uu Hoggaaminayay Wasiirka Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo dhaqanka Md. Cali Cabdi Faarax, waxa dalka Kenya ka socday wefti uu horkacayay Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Md. Faarax Macalin, halka dalka Itoobiya ay ka socdeen wefti uu Hoggaaminayay Wasiirka Dalxiiska iyo dhaqanka ee dawlada fadaraalka Itoobiya Md. Maxamuud Dirir. Intii aan xaflada la bilaabin waxa safka hore ee goobtii xaflada lagu qabanayay is dhoobay xubno ka mid ah Golihii Wasiirada ee xukuumadii xilka lagala wareegayay kuwaasi oo qaarkood ay fadhiisteen goobihii loogu tallo galay marti sharafta oo ay dushooda  ku xardhanaayeen calamada dalalka Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti waxaana Afhayeenka Madaxtooyada Md. Siciid Caddaani Moogge, ayaa dhawr jeer makarafoonka kaga dhawaaqay kalmo ay ka  mid ahaayeen “Ha laga kaco safafka hore oo ha loo baneeyo marti sharafta ka socota dalalka dariska ah, aan is maqalo Wasiiradu ha ka kacaan halka loogu tallo galay marti sharafta. haddii kale magacyadiina ayaan ku dhawaaqi doonaa.” erayadaasi waxay laf jab ku noqotay Wasiiradii halkaasi fadhiyay oo mid mid si yax-yaxleh uga kacay madashii waxaanay markii dambe ku dhamaysteen saro-joog xafladii.

Madaxweynaha xilka ka degaya Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweynaha cusub ee xilka la wareegaya Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan labadooda Ku Xigeen ayaa ka soo baxay gudaha xafiiska Madaxweynaha oo ay muddo saacad iyo dheeraad ah ku shawrayeen isla markaana ay ka wada hadlayeen hawsha ay isku wareejinayaan. afarta masuul oo wada jir ah ayaa cutub ka tirsan ciidanka ilaalada Madaxtooyada iyo ciidanka qalabka dananka kaga dhawaajiya ee Baamboyda uga qaatay salaan sharaf. intaasi ka dib waxay yimaadeen goobtii lagu qabanayay xaflada xil wareejinta waxa xidhiidhinayay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md. Siciid Caddaani Moogge, waxa xafladan taariikhiga ah lagu furay aayo quraan ah.

waxa la gudo galay oo dhaartii Madaxweynaha afraad ee Somaliland Md, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo si gooni gooni ah uu u dhaariyay  Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dastuuriga ah Md. Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane), waxana madaxweynaha cusub iyo ku Xigeenkiisa lagu dhaariyay kalmadahan dastuuriga ah oo kaga dabo dhawaaqayeen Guddoomiyaha iyadoo gacanta loo saaray kitaabka quraanka kariimka ah  “Waxaan Ilaahay ugu dhaartay inaan u noqonayo daacad Diinta Islaamka, dalkayga Somaliland dadkiisana  ku maamulaayo sinaan iyo cadaalad, intaan xilka hayo.”

Waxa xukuumada cusub ee Somaliland ee uu maalinta barri uu soo dhisayo madaxweynaha la doortay horyaala inay ka dabaalato hawlo badan, oo ay ugu horayso inuu soo celiyo ku dhaqanka sharciga iyo sugida cadaalada isla markaana ay dib u noolayso  haybadii dawladnimada lagu qabay.

waxa kale oo horyaala inay dib u qaabayso dedaalada iyo istaraatajiyada  qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland, kana faa’iidaysato dhegaha caalamka ee  doorashadan xornimada ku dhacday ee la majeertay ay inoo godlisay.