|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2415 |
July 28,2010 Sha'ban 16,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Buug Xiiso Leh Oo Ay Qortay Maryan Jamiila Kadib Markii Ay Soo Islaamtay Waxaa Tarjumay Abshir A/Xasan [Qaybtii 6aad] Dr. Wilfred Caantwil Ismiidh iyo kuwa ay isku fikradaha yihiinba ha ogaadaan in aanay muslimiinta intooda badani ogolaanayn sharaxan cusub ee ay iyagu diinta islaamka u sameeyeen doonayaana in ay muslimiintu ka dhigtaan islaamkii runta ahaa. Ilaahay mahadi ha ka gaadho ee ilihii runta ahaa ee Islaaamku - Quraanka iyo Sunnaha- ayaa wali sidoodii loo helikaraa iyaga oo sidoodii isku haysta saafina ah. Inta uu qof Muslin ihi aduunka guudkiisa joogo oo uu si toos ah u helayo ilahaasi, islaam la been abuuray oo bilaa sharci ahi meel kama helayo muslimiinta dhexdooda. Socdaalkeygii aan Afrika ku tagi lahaa waxa laga yaabaa in uu dib ugu dhaco Juulaay sababta oo ah caafimaadkayga sii xumaanaya ayaan ii saamaxayn in aan socdaalo. Intaa waxa dheer, saaxiibadayda Afrika ayay la tahay in socdaalkaygu ka faa'iido badanayo haddii aan tago halkaa marka jawiga doorashada Kiiniya qaboobo oo ay daganaansha siyaasadeed mar kale ku soo noqoto. Salaan iyo rajo wanaagsan. Kii daacada kuu ahaa: ABII AL ACLAA. Waa aan naxay markii aan ogaaday in aanad ku kacayn socdaalkii Afrika caafimaadkaaga oo xun awgii iyo in aad bugtay in ku dhaw laba bilood. Waxa aan rajaynayaa in ay dhakhtaradu heli doonaan dawo awood leh oo xanuunka kaa jabisa. Xanuunka ku haya awgeed, hubaal waxa ah in aad awood badan galisay si aad waraaqdan tafaqyatiran iigu soo qorto oo aad uga soo jawaabto si i raaligalisay weydiimahaygii aan ku soo weydiiyay oo dhan. Maalmahan waxa muuqda in ay si is-dabajoog ah uga soo dhacayaan garnaylo xagga raadiyawga, tilifisiyoonka iyo wargaysyada, iyaga oo ka hadlaya baahida loo qabo in "kor loo qaado heerka nolosha" iyo "horumarinta dhaqaalaha" ee dalalka loogu yeedho "dawladaha soo koraya". Si taasi loo fuliyo, waxa lagama maarmaan ah bay leeyihiin in taageero shisheeye oo ballaadhan laga helo Maraykanka ama Midawga Soofiyeeti. Waxa loogu yeedho "Dawladaha soo koraya" waxa ay noqotay fikrad lagu halaynayo maskaxda dadka. Horumarinta dhaqaalaha "dalalka soo koraya" waxa loo turjumtay in uu macnaheedu noqdo magaalayn, warshadayn iyo qalabaynta beeraha. Si dhab ah marka loo hadlo, halkudhagga "Horumarint Dhaqaale" waxa weeyi qalab lagu fidiyo Galbeednimada iyo in burburin buuxda loogu gaysto dhaqanka hufan ee Eeshiya iyo Afrika. Baahida loo qabo in la tirtiro aqoon la'aanta iyo fidinta waxbarashada ayaa goor walba xoogga la saaraa, laakiin xagga reer Galbeedka waxbarasho waxa ay tahay aqoonta cusub ee cilmaaniga ah ee sida cad u raacda dariiqa Galbeedka ee xoogga saara tiknoolajiga. Islaamnimo waxa ay tahay in la gaadho cadaalad bulsho iyo in si sinnaan ah loo qaybiyo xoolaha sida sakada, qawaaniinta dhaxalka, ururada samofalka iyo mamnuucidda dulsaarka lacagta oo dhammaantood layska indho tiray. Dhaqdhaqaaqa qudha ee aan ogahay in uu xilliyadan dhaw isku dayay in uu gaadho cadaalad bulsho sida uu dhigayo habka islaamku waa Ikhwaaan al Muslimiinta la mamnuucay ee Sheekh Xasan Al Banna uu sameeyay 1928kii. la soco |