Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2415

July 28,2010                                                                                   Sha'ban 16,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Manchester City Oo Liiska Xidigaha Ay Ku Talo Jirto Inay Iibsato Ku Dartay Torres Iyo Balotelli

Weeraryahanka kooxda Inter Mario Balotelli ayaa qarka u saaran in uu ku biiro kooxda Manchester  City ee dalka Ingiriiska isagoo lagu doonayo 24 milyan oo gini.

Mario Balotelli oo 19 jir ah ayaa waxa uu u sheegay qaar kamid ah saxibatiisa in uu ku biirayo kooxda Manchester City isagoo todobaadkii mushahar ahaan u qaadan doonna 65 kun oo gini waxana uu saxeexayaa heshiis gaadhaya sano.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo wadanka Talyaaniga ayaa carabaabaya in Manchester City ay suuragal tahay in ay sare u sii qaato lacagaha 24 milyan ah oo ay ka dhigto 29 milyan Kooxda Man City ayaa doonaysaa in suuqa ay ku bixiso lacago ka badan 100 Milyan isayadoo keentay xiligan Jerome Boateng oo ay 10 Milyan kaga soo iibsatay Hamburg, David Silva oo 24 Milyan ay kaga lasoo wareegatay Valancia,Yaya Toure oo 24 Milyan ay kaga soo iibsatay Barcelona iyo 17 Milyan oo Lazio ay kaga soo qaadatay Aleksandar Kolarov.  Mario Balotelli ayaa sidoo kale waxa xiiseynaya kooxaha Chelsea iyo Manchester United kuwaas oo doonaya in ay lasoo wareegaan xidiga madowga ee reer Talyaaniga. Tababarihii hore ee kooxda Inter ahna macalinka hada ee Manchester City Roperto Mancini ayaa doonaya in uu mar kale uu ka hoos ciyaaro ardaygiisii hore Mario Balotelli kaas oo kulankiisa ugu horeeyay ee uu kusoo qaatay  San Siro ay ahayd 2007 waxana Mancini ahaa tababarihi xiligaa ee kooxda Inter.

Marka loo eego lacagaha tirada badan oo Manchester City u soo bandhigtay Mario Balotelli ayaa ka dhigi kara in ciyaartoygu si indho la’aan ah uu ugu soo hoobto shabakha ciyaartoy raadsiga ee Manchester City. Man city ayaa doonaysa in ay hesho xili ciyaareedka  bilaabamaya ugu yaraan afar ilaa shan  weeraryahan  kuwaas oo ah kuwo laysku haleen karo. “Mario Balotelli wuxu leeyahay labo tayo mid waa da’diisa oo yar iyo farsamadiisa oo sii koreysa “ sidaa waxa yidhi Roperto Mancini.

Wakiiilka caanka ah Mino Raiola oo ah wakiilka Mario Balotelli ayaa sheegay aan wali ciyaartoygu wax heshiis ah sexeexin. Jariiradda Daily Mail ayaa qortay in heshiiska Mario Balotelli uu ugu tagayo  Manchester City shaaca laga qaadi doono ama uu si rasmi ah u hergali doonno saacdaha soo socda. Dhanka kala waxa ay kooxda uu hogaamiyo  Roberto Mancini ayaa ku eedeeyay kooxda Liverpool sababaha ay ugu diidan tahay weeraryahanka reer Spain ee  Torres. Kooxda Manchester City ayaa soo bandhigtay lacago badan oo ay ku doonayso weeraryahanka wadanka Spain Fernando Torres.

waxan doonayaa in aan hello xiliga soo socda weeraryahano wanaagsan Torres-na wuxu kamid yahay kuwaas ayuu yidhi Roberto Mancini.

Xigan kamid ahaa ciyaartoydii xulka Spain ee ku guulaystay  Fernando Torres ayaa Manchester City waxay soo bandhigtay lacago ka badan 50 Milyan oo gini.