Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2416

July 29,2010                                                                                   Sha'ban 17,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Maxamed Atam Oo Shaaca Ka Qaaday In Ujeedada Kooxdiisu Tahay In Diinta Islaamka Ay Ku Xukumaan  Geeska Afrika Iyo Khatarta Ka Soo Wajihi Karta Somaliland

 Galgala, July 29, 2010 (Haatuf) - Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag, Maxamed Siciid Atam ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii dhowaan kooxdiisu ku weerareen ciidamada Puntland, taasoo uu sheegay inay guul ka soo hooyeen kooxdiisu.

Mr Atam ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay la midoobeen isla markaana xidhiidh dhow la leeyihiin ururka Alshabaab ee ka dagaalama Somaliya,isagoo sheegay in ujeedadoodu tahay siddii mandaqada Geeska Afrika loogu xukumi lahaa diinta Islaamka.

Maxamed Atam wuxu ku  sheegay ujeedada kooxdiisu u gashay buuraha Galgala ay tahay siddii diinta Islaamka kor loogu qaadi lahaa, isagoo intaa raaciyay in dadka ku nool Puntland laga dhaadhiciyay in diinta Islaamku tahay mid gacmaha iyo lugaha dadka ka jarta.

Maxamed Siciid Atam wuxu sidaasi ku sheegay mar uu maalintii doraad khadka Internetka ee loo yaqaan Pal talk uu kala hadlayay koox ka mid ah taageerayaashiisa iyo dhalinyaro kale oo uu u sharxayay ujeedada kooxdiisu u dagaalamayso. 

Ugu horeyn Maxamed Atam wuxu hadalkiisa ku bilaabay, “kooxdayada halkan (Galgala) ku sugan waxaanu u badanahay dhalinyaro ka soo cararay madarasadihii iyo macaahidii diiniga ahaa ee ay wax ka baranayeen ama aanu ka shaqeynaynay, waxaanu buurta u fuulay si aanu diinta Ilaahay kor ugu qaadno, waxaanu nahay dadkii aasaasay jabhadii Islaamiga ahayd ee ka damqatay dhibaatada dadka lagu hayo, waxa dhacday in dadkii ku sugnaa Puntland ee muxaadarooyinka akhriyi jiray iyo dumarkii xijaabnaa in la jidh dilo ama la dhoofiyo oo cadawga loo gacan galiyo. Ilaahay baa mahad leh camalkayagu si wanaagsan buu noogu socdaa waxaa ila jooga dad ay dhab ka tahay inay ka run sheegaan camalka Jihaadka. Deegaanka aan ku suganahay dadka ku nool waxay doonayaan in diinta Islaamka lagu xukumo iyagaana garab nagu siiya hawshayada.ciidama Puntland ee Faroole dadku way naceen, markay tuulooyinka soo galaan waa laga cararaa, haddii askari laga dilo cid qaada lama arko.waxaad ka dareemaysaa dadka shacabka ah ee muslimiinta ah inay diyaar u yihiin fulinta shareecada Islaamka. Waxa laga dhaadhiciyay dadka in shareecadu gacmaha iyo lugaha ka goonayso. Dadka waa la haystaa oo dhalinyarada waxa hor jooga odayaasha, dagaalkii dhowaan na dhex maray Puntland anaga ayaa guusha la hoyanay”.

Intaa kaddib dadkii dhageysanayay khudbada hogaamiyaha ururka Alshabaab ee gobolada Puntland,Maxamed Atam, ayaa waxay weydiiyeen dhowr su’aalood oo sidan u dhacay :

S : saxaafada caalamka iyo website-dada waxa lagu qoraa nin magaciisa la yidhaa, Maxamed Atam oo argagixiso ah oo jabiyay cuna qabateyntii Qaramada Midoobay saartay hubka  Somalia, waxa kale oo aad ku jirtay tobankii nin ee madaxweynaha Mareykanka, Obama, magacaabay ee uu yidhi,hala xanibo maalkooda, haddaba waxaad nooga warantaa adigu nin caynkee ah baad tahay, ma jirtaa hanti iyo guryo aad ku leedahay Yurub iyo Mareykanka?

J (Atam)- : Ilaahay ha kaa abaal mariyo su’aasha aad i weydiisay, arrrimahaa aad sheegtay oo dhami way jiraan waxaas oo been ah ayay iga qoraan laakiin anigu waxaan ahay nin ka maarmay dawaaqiida gaalada oo amarkooda qaadan waayay, mandaqada Puntland waxa jooga culimo badan oo iga cilmi iyo maal badan aniguse waxan kaga duwanaa anigoo jaamacad dhiganaya ayaan maamulka Puntland u sheegay inay dalka ku xukumayaan gaalnimo iyo baadilnimo,waxan ka dalbaday sharciga Ilaahay in la qaato.taas baa keentay in la i xidho, markii la isoo daayay waxaan go’aansaday inaan bilaabo jihad. Mandaqada Puntland iyo Somaliland qof yidhaahda Ilaahay ha lagu xidhmo wax sahlan ma ahayn,taas baa keentay in labada maamulba faro gelin sameeyaan oo dagaalo nagu soo qaadaan, anigu guryo ma lihi waxaan ku noolahay buuraha dhexdooda.

S: waxa jirta koox kale oo Islaamiyiin ah oo fadhigeedu yahay Garoowe,waxa la yidhaa,Jamaacatul Ictisaam, ma jiraa xidhiidh idinka dhexeeya idinka iyo kooxdaasi?

J: kooxda aad sheegayso waa niman aaminsan in maamulka Puntland uu yahay mid Islaami ah oo ciidamadeeduna yihiin qaar xaq ku taagan, markaa ninamkaa xidhiidh naga dhexeeyaa ma jiro, Ilaahay baan u baryayaa inuu soo hadeeyo waanan u ducaynayaa.

S: waxaan ku weydiin lahaa xidhiidhka idinka dhexeeya idinka iyo ururka Alshabaab al Mujaahidiin intee buu gaadhsiisan yahay, maxaa ka jira wararka sheegaya inaad midawdeen?

J: Ilaahay wuxu yidhi, Muuminiintu waa walaalo, anagu waxanu nahay Alshabaab iyaguna waa anaga, ujeedo kali ah baanu wada leenahay oo ah in Geeska Afrika lagu xukumo diinta Islaamka, xidhiidh weyn baanu leenahay, arrntaasina anaga ceeb naguma aha ee waanu ku faanaynaa.

Dhawaaqa ka soo yeedhay Atom oo hogaamiya Al-shabaabta Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa laga fili karaa in khatari ay ka soo waajahdo Somaliland iyo Puntlnad, isla markaana aad welweli karo inay goboladaasi ka geystaan Qaraxyo ismiidaamin ah oo intii hore ka baaxad weyn, taas oo khalkhal galin karta amaanka gobolka Geeska Afrika.

Ururka Al-shabaab ayaa dhawaan qaraxyo ka geystay goobo ka baxsan dhulka Soomaalida, markii ay sheegteen qaraxii ka dhacay Caasimada dalka Uganda ee Kampala, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 70 Qof.