Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2416

July 29,2010                                                                                   Sha'ban 17,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Awdal Oo Si Weyn Looga Saluugay Saamiga Laga Siiyey Dhismaha Xukuumadda Cusub Ee Madaxweyne Siillaanyo

“Xukuumada Cusub Waa Mid Aan Anigu Filayey, Waana Mid Reer U Dhisan Oo Marka Horaba Ilaahay Laga Baryayey, Waxaan Xasuustaa Heestii Kulmiye Ee Ahayd Beeshu Wey Haraaday..!! Shay Xuseen Xareed Boorama

Boorama, July 29, 2010 (Haatuf) - Magacaabista xukuumadda cusub ee uu shalay ku dhawaaqay Madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa ahayd mid si weyn looga saluugay gobolka Awdal, iyada oo la raagsaday ku dhawaaqista xubnaha xukuumada cusub mudada bisha ahayd ee xilka lagula kala wareegayay, xukuumada cusub oo looga yimid ka mid noqoshadeeda qurbaha iyo gobolada dalka, ayaa markii uu shalay ku dhawaaqay Siillaanyo durba saluug ay ka muujiyay shacabka ku dhaqan Boorama.

Sida uu ku soo waramay wariyaha Haatuf ee Boorama Hashim Goth

“Dadka ayaa suuqyada la dhexmarayey waraaqo magacyo ku qoranyihiin duhurnimadiiba, taas golaha wasiirada ee 20-ka ahaa laga siiyey laba wasaaradood oo ka mid ah kuwa aan muhiimka ahayn, waxay dad badani sugayeen in isku dheelitirka xilalka iyo gobolada uu madaxweynuhu si cadaalad ah u mgacaabi doono.

Dhinaca kale waxa dadka reer Awdal filayeen maadaama xilkii Madaxweynaha ee ay hayeen si fiican uga degeen in ay heli doonaan bedel fiican, fikirkaas oo uu aaminsanaa Xasan faarax oo ka mid ah dadweynaha Boorama waxa uu yidhi “Marna maan filayn in Axmed Siillaanyo oo aan lahaa waa siyaasi qaran oo qiimayn doona beelah darafyada uu Boorama siiyo 2 wasiir, halkaasi waxa ka cadaatay inuu ka aargudanayo tartankii doorashada ee ay wadagaleen”.

Nin isna magaciisa ku sheegay Shay Xuseen Xareed ayaa isna yidhi xukuumada cusub waa mid aan anigu filayey, waana mid reer u dhisan oo marka horaba ilaahay laga baryayey, waxaan xasuustaa heestii Kulmiye ee ahayd Beeshu wey haraaday..!!”

Si kastaba ha ahaatee waxa maalmahan u dambeeyayba badnaa shirar doceedyada, gaar ahaan taageerayaashii xisbiyada laga guulaystay, kuwaas oo ujeedada shirarkoodu ahayd ka warsugida dhismaha xukuumada cusub iyo ku talogalka Gobolka Awdal ee Axmed Siilaanyo Madaxweynaha cusub, ayaa goobaha la iskugu yimaad ee magaalada Boorama aad ku arkaysay iyada oo meel walba kooxi ku murmayso, isla markaana la isweydiinayo muxuu ina siiyay? Iyo reer hebel muxuu siiyey.

Dhinaca kale qaar ka mid ah Ganacsato, Oday dhaqameedo iyo Haween aan wax ka weydiiyay aragtida ay ka qabaan dhismaha xukuumada cusub ayaa si isku mid ah iigi sheegay inay Jawaabtooda aanay la degdegayn, balse ay u arkaan in aanay arkayn wixii Madaxweyne cusub sheegay inuu cadaalad dadka ku dhiqi doono, Maxamed Jaamac ayaa isagi yidhi “Hadii cadaaladii uu sheegayay sidan tahay, ma ahayn uu wasaaradaha ku daro wasaarada cadaalada, waayo marnaba cadaalad uma dhawa, Siyaasigan Maxamed Jaamac oo isagu hore uga tirsanaa xisbiga Kulmiye wuxuu intaas raacshay, Hadii uu cadaalada iyo xaqa sidaa u yaqaan Madaxweyne Siillaanyo waa mid cadceed sacab ku qarin ah.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha Cusub ayaa isagu hore u sheegay inuu Soo dhisi doono Xukuumadan kooban oo tayo leh, isla markaana uu ku afeef dhigtay inuu ka tagay haldoor farabadan, balse uu rajaynayo inuu kuwaa uu ka tagay ay la shaqayn doonaan dawladnimadana ku dhisan tahay wada jir iyo gacmaha oo la isqabsado.