|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2416 |
July 29,2010 Sha'ban 17,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
“Qaabka Dawlada loo Soo Dhisay Maaha Mid Aan Ku Farxayo, Mana Ah Mid Aan Ka Naxayo” Boqor Cismaan Buurmadoow Hargeysa July 29, 2010 (Haatuf)-Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) ayaa shalay markii ugu horeysay ku dhawaaqay in uu hambalyaynayo dawlada cusub ee uu soo dhisay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Waxa kale oo uu boqor Buur Madow, sheegay in qaabka uu madaxweynuhu u soo dhisay dawladiisa cusubi aanu ahayn mid isaga farxad gelinaya, isla markaana uu ka naxayo balse waxa uu tilmaamay la eegi doono waxa ay dadka reer Somaliland u qabtaan. Boqor Buurmadoow, waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in jabhada SSC aanay ahayn wax sii jiri kara, isla markaana aanay ku midaysanayn dadka u dhashay deegaamada Sool ee ka soo jeedaan. Boqor Cismaan Aw Maxamuud, waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay warbaahinta qaar ka mid ah si gaar ah ugu waramayay Hargeysa, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay sidan “horta waxa dhalatay dawlad ay Somaliland oo dhami u sacabisay oo rabitaankooda ku timid, aad iyo aad baan ugu hambalyaynayaa, waana markii ugu horaysay ee aan hambalyeeyo dawlada, laakiin qaabka dawlada loo dhisay qaab aan ku farxayana maaha, qaab aan ka naxayona maaha, laakiin waa la eegi doonaa waxa ay dadka u qabtaan” Dhinaca kale mar uu Boqor Buurmadoow ka hadlayay dareenkiisa ku aadan jabhada hubaysan ee SSC ayaa sheegay in aanay ahayn mid sii jiri karta, maadama buu yidhi aanay lahayn ujeedooyin cad-cad oo ay ku dagaal gasho “Jabhadaas waxa aan filayaa in aanu dagaalkeedu ahayn mid sii jiraya, waayo waxa aanay lahayn mabaadii’ cad-cad oo ay ku dagaal gasho, mana aha waxa ay ummadi ku tashatay ee waa wax ay laba nin iyo rag kooban, waxaanan anigu u arkaa in ay yihiin wax warbaahinta iyo Media-ha lagu qurxiyo, arrinku sida wax looga sheegayana ma aha, arrintaasina maaha mid ka suuroowda Garaadada iyo wax garadka beesha Dhulbahante” Mar aanu waydiinay bal dhinaciisa in ay u muuqato, in Madaxweyne Siilaanyo uu soo dhisay dawlad tayo leh ayaa waxa uu yidhi “Anigu odhan maayo dawlad tayo leh ayuu soo dhisay, mana noqonayo qofka ugu horeeya ee wax ka sheega, haddii ay wax qaban karaana waa la eegi doonaa” |