|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2416 |
July 29,2010 Sha'ban 17,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
“Markaad Eegto Dhaqaalaha Soo Baxa, Wasiiro La Fara Badiyo Waxa Ka Wanaagsan In La Dhiso Iskuulo Iyo Xaga Caafimaadka Oo Dadweynaha Wax Loo Qabto” Aqoon-yahan Axmed Carwo Hargeysa July 29, 2010 (Haatuf)-Aqoonyahan Axmed Carwo, oo ka mid ah qurbo Jooga reer Somaliland ee degan dalka UK, islamarkaana ahaa gudoomiyihii jaaliyada Weles, ka mid ah xubnaha sarsare ee Xisbiga Kulmiye ee dalkaasi sida weyn uga hawl galay isbedelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, ayaa sheegay in guusha xisbigoodu ka gaadhay doorashadii madaxtooyada ee uu kaga adkaaday Udub, qayb ka ahayd qurco jooga kaalintii firfircoonayd ee ay ka ciyaareen inuu guulaysto xisbiga Kulmiye, isaga oo xusay in dalalka daneeya Somaliland iyo shakhsiyaadka u ololeeya Somaliland ay dhamaantood ku farxeen guusha KULMIYE, iyaga oo u arkayay mamulkii madaxweyne Rayaale mid fadhiid ah oo aan wax qabad samaynin. Mr Axmed Carwo, waxa kale oo uu sheegay, in caalamku soo dhaweeyeen doorashada Somaliland ka qabsoontay 26 june, taasoo uu sheegay inay indhaha caalamka u soo jeedisay waxna kala qaban doonaan Somalailand dhinacyada horumarinta, isaga oo intaa ku daray, in xaga siyaasada dibada xukuumadii hore kaalintii loo baahnaa ka galin, balse xukuumada cusubi wax ka qaban doonto Axmed Carwio, waxa uu sidaa ku sheegay waraysi khaasa oo shalay uu siiyay Haatuf, ayaa sidoo kale waxa uu kaga hadlay,in dadka faraha badan ee xil doonka ah ay ka wanagsan tahay, in madaxweyne Axmed Siilaanyo go’aan ka qaato, islamarkaana cida uu magacaabayaa noqdaan qaar uu ku xulo aqoon, karti iyo daacadnimo leeyihiin. Waraysigaas oo dhinac badan taabanayana, waxa ugu horayn uu yidhi “Horta qurbo joogu doorka ay ka ciyaareen siyaasada dalka, anigu dhawr iyo toban sanao ilaa 2008-kii ayaan ahaa godomiyaha Jaaliyada Weles ee Somaliland, iyada oo taqasi jirto ayaan xisbiga Kulmiye intii la aasaasay-ba aan ahaa dadkii ku jiray ee maamulkiisa inuu mar uun meel gaadho ka shaqaynayay, markaa aniga oo aan marnaba mansab ka doonayn, hadana waxay ahayd rajadii dadku ay arkayeen, qurbaha jooga hadaanu nahay ka dib markii la arkay wixii dalka ka dhacayay siddeed sanadoo oo madaxweyne Daahir Rayaale uu xilka hayay dadka intii badnayd waxay go’aansatay in isbedel xaqiiqo oo dhab ah la doonayo. Isbedelkaasi dartii baan anigu dhawr iyo toban jeer wax ka qoray, markii baarlamaankii hore “Codkaagu yaanu cadow kugu noqon” , markaa dadkii codkoodu cadoga ku noqday baanu imika markii doorashadii soo dhawaatay aanu nidhi maanta ayaad haystaan wakhti codkaaga ku ciil bax oo macnaheedu tahay hadaad markii hore qaldantay islahayd Daahir Rayaale ayaa wax qaban doona, fursad labaad baad haystaa yaanay kaa lumi, |