Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2416

July 29,2010                                                                                   Sha'ban 17,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Madaxweyne Siillaanyo Muu Qadin Beesha Subeer Celi Ee Waxa Qadiyey Ciddii Xisbiga Kulmiye Madaxda Uga Ahayd

Qore: Cali Xasan Cawaale Hargeysa

Aniga oo ah sarkaal ka tirsan wasaarada arimaha gudaha, waxaan halkan marka hore uga hambalyeynaya madaxweynaha JSL Axmed Maaxamed Maxamuud Siillaanyo guushii balaadhnayd ee uu xisbiga Kulmiye ka soo hooyey doorashadii dalka ka dhacday, waxa kale oo aan ku hambalyeynayaa dawladda cusub iyo qabadhismeedkeeda ah iyo sida habsamida leh ee uu u soo dhisay.

Hadaba waxa xusid mudan in beesha aan ka soo jeedo ee magaceedu sare ku xusan yahay oo ka soo qayb qaadatay halgamadii kala duwanaa ee doorashooyinka kuna suntanayd dhamaanteed xisbiga Kulmiye ilaa doorashooyinkii hore mar walba 90% codkeeda siinaysay xisbiga Kulmiye in ay si weyn uga biyo diiday dhismaha xukuumadda cusub oo ay wasiiradii iyo ku xigeenadii ama xilalkaas la magacaabay ay beeshu ka maqantahay, iyadoo beeshu taas ka filayn xisbiga Kulmiye ee talada ku guulaystay iyo madaxweyne Siillaanyo oo beeshu si hagar la’aan ah u taageeraysay hadd iyo jeer iyadoo beeshu ay ku doodayso arin xaqiiqo ah oo jirta, taasi oo ah in codkeeda Kulmiye ay siiyeen waliba ay u dheertahay in wiilashoodii dhiigoodii ay u daadeen taageerada xisbiga Kulmiye, taasi oo ah mid jirta, oo aan la dafiri Karin wiilashaas oo ilaa hadda qaar ka mid ah magtoodii aan la siin qoysaskii ay ka bixin oo aanay magdhaw ka helin bahaladii dalka laga xoraynayey ee dulmiga ku dhisnaa iyo tacadiga rasaasta loola dhacay ee mudaharaadkii lagaga jabinayey qufulka aqalka golaha wakiilada markii xukuumaddii dulmiga ahayd sida sharci darada ah u xidhay, marxuumkaas u dambeeyey oo waliba ahaa raaska aanu ka soo jeedno, ilaa hadda eheladii marxuumkaasi may helin magdhawgii ay xaqa u lahaayeen iyadoo ay xukuumaddii udub ku cadaadinaysay taageerada kulmiye magdhawgiina kaga canaaday. Hadaba aniga oo ka duulaya tabashada xoogan ee beesha iyo faro madhnaanta ay ka cabanayaan waxa aan doonayaa inaan beeshayda halkan ugu iftiimiyo in aaanay xisbiga kula socon inay xil ka helaan ee aynu mabda kula soconay.

Maantana aanay haboonayn inay ka cawdaan xisbiga Kulmiye ee ay dhiga iyo codba ku taageereen ogaadaana inaan madaxweyen Siillaanyo qadin ama ilaawin ee cida qadisay tahay masuuliyiintii xisbiga aynu geysanay ee inoo matalaysay madaxda xisbiga.

Sidaa darteed beeshu ha ogaato in masuuliyiintoodii ay xisbiga ku lahaayeen sababtay inay ka qadaan xilalka wasaaradaha iyaguna ka masuul yihiin qadoodiga Beesha.

Qore: Cali Xasan Cawaale Hargeysa