Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2416

July 29,2010                                                                                   Sha'ban 17,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Diyaarad Laga Lahaa Pakistan Oo Shalay Ku Dhacday Dalkaas & 149 Qof Oo Ku Dhintay

Islamabaad  July 29, 2010 (W/wararka)-Mas,uuliyiinta dalka Pakistan ayaa sheegay inay kasoo saareen 90 qof meydkoodii diyaarad Rakaab oo shalay ku dhacday meel u dhow caasimada dalkaas ee Islamabad, Diyaaradan oo ay lahayd shirkada Air Blue Airlines ayaa siday146 qof oo Rakaab ahaa iyo lix qof oo shaqaalihii diyaarada ahaa,

Ramadan Saajid oo u hadlayey mas,uuliyiinta Pakistan, ayaa sheegay inay ilaa iminka heleen 90 qof meydkoodii. Mas,uuliyiinta ayaa sheegay in diyaaradan oo ku dhacday meel keyn ah oo dhirtu ku badan tahay ay adkaysay in dadka halkaa wax ku noqday si dhibyar loo gaadho, iyadoo amar lagu siiyey diyaaradaha Helikobterka ah inay halkaa kasoo guraan meydka dadkaa, Mas,uuliyiinta dalkaa ayaa dalbaday in si deg deg ah loo soo helo Sanuuuqii madoobaa ee diyaaradaa si loo ogaado sababta ay diyaaradaasi u dhacday.Diyaaradaa ayaa la sheegay inuu ka go’ay xidhiidhkii ay la lahaayeen dhulka iyo garoonadii laga hagayey. iyadoo loo malaynayo inay keeneen dhicitaanka diyaaradan Roobab iyo dabaylo halkaa ka dhacayey, Diyaaradaas oo kasoo duushay dalka Turkiga ayaa soo martay magaalada Karachi ee dalka Pakistan intii aanay usoo duulin magaalada Caasimada Islamabad, iyadoo halkaa ku dhacday intii aanay soo gaadhin Islamabad.