|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2416 |
July 29,2010 Sha'ban 17,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Mario Balotelli Oo Ku Soo Fool Leh Kooxda Manchester City Xidiga caalamiga ah ee wadanka Talyaaniga Mario Balotelli ayaa waxa uu ku tagayaa kooxda Man City 25 Milyan halka Emmanuel Adebayor isna uu ku biirayo kooxda Juventus si amaah ah halka Mascherano iyo Kuyt ay ku biirayaan Inter, Forland aya isna sidoo kale lagu arkay liiska kooxda Inter. Kooxda Man City ayaa soo bandhigtay lacago kaash ah oo uu dheeryahay Shaun Wright-Phillips si ay u heleen xidiga James Milner ee kooxda Astonvilla. Madaxda horyaalka Ingiriiska ayaa indhaha ku haya qorshaha Cheslsea ay kusoo iibsanayso Ramires oo 20 Milyan lagu qiimeeyo waxana uu u cayaaraa Benfica iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in qayb ka mid ah milkiyadda cayaaryahankaas uu leeyahay Kia Joorabchian. Tababaraha kooxda Liverpool Roy Hodgson ayaa tartan ugu jira xidiga caalamiga ah wadanka Mexico Carlos Salcido. Xidigan oo u ciyara kooxda PSV Endoven ayaa waxay ku doonaysaa cayaaryahanka 3 Milyan. Kooxda Tottenham ayaa doonaysa inay lasoo saxeexato xidiga kooxda West Ham Scott Paker.Tottenham aya ku doonaysa Paker 15 Milyan. Kooxda Liverpol ayaa doonaysa xidiga qadka dhexe ee xulka Denmark iyo kooxda Juventus Christian Poulsen. Christian Poulsen, ayaa waxaa si weyn u qiimeeya tababaraha kooxda Liverpool Roy Hodgson isagoo u arka cayaaryaahnkaan mid xoojin kara kaalin suura gal ah in uu baneeyo Mascherano. Iyadoo taa ay jirto ayaa ayaa suura gal ah in kooxaha Juventus iyo Liverpool ay is dhaafsadaan cayaaryahanaka Agger oo Juventus ay si weyn u doonayso iyo Christian Poulsen, oo Liverpool ay rabto. Kooxda Manchester utd ayaa indhaha ku hayso horumarka xidiga caalamiga wadanka Belgium-ka ee Steven Defour. Steven Defour, oo lagu qiimeeyo 13 milyan ayaa kooxda Standard Liege ay doonaysaa in ay iska iibiso xidiga qadka dhexe Steven Defour, kaas oo kooxdii bixisa lacagaha ay dalbanayso ay ku wareejin doonto. Gool hayaha kooxda Arsenal Manuel Almunia ayaa waxaa doonaysa kooxda Osasuna. Manuel Almunia ayaa sidoo kale waxaa doonaysa kooxo kale iyadoo Arsenal ay u dhaqaaqday badalka xidigaas waxaana ay dalab u dirtay Fulham si ay u hesho gool haye Mark Schwarzer. Kooxda Roma ayaa dadaal u galaysa sidii ay ula saxeexan lahayd xidiga khadka dhexe ee kooxda West Ham Valon Behrami. Kooxda Roma ayaa u soo bandhigtay West Ham gool haye Doni ama weeraryahankooda Okaka si ay u helaan Valon Behrami. Sidoo kale Xidiga caalamiga wadanka Holland Royston Drenthe ayaa waxa uu sheegay in uu qarka u saran yahay in uu ku biro kooxda Liverpool. “goor dhow ayaan ku biirayaa kooxda Liverpool waxaana rajeenayaa in waqti wanaagsan aan ku qaato ayuu yidhi Xidigaan oo taageerayaashiisa kula hadlayay qeybta uu ku leeeyahay Facebook-ga |