|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2416 |
July 29,2010 Sha'ban 17,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Mascherano Oo Ka Tagaya Kooxda Liverpool Si Uu Uga Daba Tago Tababare Rafael Benites Ciyaaryahanka Mascherano ayaa kulan uu la qaatay tababaraha cusub ee Liverpool Roy Hudgson waxa uu sheegay in aanu ku qanacsaneyn lasii joogitaanka kooxda uuna door bidaayo inuu mar kale la midoobo tababarihiisii hore ee Benitez oo u wareegay kooxda heysata horyaalnimada Talyaaniga iyo ka Yurub ee Inter. Kooxda Liverpool ayaa kor dhigtay 25 milyan madaxa kabtanka xulka Argentina Mascherano. Ninka wakiilka u ah xidigan Walter Tamer ayaa sheegay inay riyadiisa u rumoobayso haddii uu Mascherano caga dhigto garoonka Giuseppe Meazza sida ay qortey jariidada Guardian. Mascherano oo 26 jir ah wuxu kooxda ka mid noqday January 2007 markaas oo amaah uu ugu yimid kooxda Westham ka hor intii aanu u saxeexin qandaraas 4 sano ah. Xidigan waxa sidoo kale ugaadhsi ugu jira kooxaha waaweyn ee reer Spain Barcelona iyo Real Madrid waxayse u dhowdahay inuu kala doorto magaalada Milano iyo kooxda Inter Sidoo kale Xidiga weerarka uga safta kooxda Ajax Luis Suarez ayaa kamid noqday ilaa saddex cayaarhan oo kooxda Tottenham ay doonayso. Luis Suarez oo lagu qiimeeyay 30 Milyan oo gini ayaa waxa lagu arkay liiska tababare Harry Redknapp. Xidigaha kale ee lagu arkay liiska ayaa waxaa kamid ah Micah Richards iyo Craig Bellamy. |