Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2416

July 29,2010                                                                                   Sha'ban 17,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Orodyahan U Dhashay Somaliland Oo Ku Guuleystay Bilad Dahab Ah Orodka 10KM Ee Qaarada Yurub

Orodyahanka reer Somaliland ee u orda dalka Ingiriiska,Maxamed Faarax oo loo yaqaano Mo Farah ayaa guul weyn ka soo hooyay orodka 10Km ee qaarada Yurub.

Mo Farah ayaa wacdarahan taariikhiga ah dhigay isagoo ka qeyb qaadanaya tartanka Athletics-ka  qaaradda Yurub oo ka socda magaalada Barcelona ee dalka Spain.

Orodyahanka  Mo Farah oo da’diisu tahay 27 jir ayaa ku guuleystay bilad dahab ah orodka 10-ka KM oo habeen hore ka dhacay magaalada Barcelona kaddib markii uu ku orday 28 daqiiqadood 24.99 ilbidhiqsi.

Saxaafadda boqortooyada Great Britain ayaa  mid waliba si gooni ah wax uga qortay guusha uu dalka u soo hooyay Mo Farah, waxaanay dhammaantood hoosta ka xariiqeen in Mo Farah uu noqday orodyahankii koowaad oo matala dalkaasi isla markaana ku guuleysta tartanka tobanka kun ee  mitir.

Tartamadan atleetikada qaaradda Yurub oo afartii sanadoodba  mar uu soo qabanqaabiyo naadiga Atleetikada Yurub waxaanu sida qorshuhu yahay soo afjarmi doonaa bilawga bisha August ee soo socota.

Maxamed Faarax oo u dhashay Somaliland maaha markii ugu horeysay ee uu guul ka soo hooyo orodada caalamiga ah waxaana lagu tilmaamaa mid ka mid ah orodyahanada ugu caansan qaarada Yurub.

Mo Farah waxa uu sanadkii hore tababar ku soo qaatay dalka Ethiopia halkaas oo muddo bil ah uu ku tababaranayay buuraleyda dalkaasi.