Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2481

October 13, 2010                                                                    Dul-Qacda 05,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Djibouti Oo Isu Dhigtay Xudunta Marinka Dirista & Dajinta Badeecadaha Iskaga Goosha Wadamada Afrika Een Badda Lahayn Iyo Caalamka

Waxay Hirgaliyeen Dekaddii Ugu Baaxada Waynayd Geeska Iyo Bariga Afrika & Xero-Guushii Isu-Gudubka Ganacsiga Xorta Ah (Free Zone)

Djibouti, October 13, 2010 (Haatuf) - Djibouti ayaa sanadahan danbe isu dhalan rogtey adhaxda ganacsiga isaga gooshaya qaar ka mid ah wadamada Afrika ee aan badda lahayn iyo caalamka intiisa kale, taas oo ay isu hanaanisay yeelashada Dekaddo iyo farsamooyin xamilkooda leh oo ay ku qoondeysteen inay noqdaan xudunta marinka isku xidha ganacsiga u kala socda dalalka Afrika een badduhu u daloolin iyo caalamka.

Mashaariicda ay dawlada Djibouti ku tiigsanayso himiladeedan ayaa waxa ka mid ah dhismaha Dekadda Konteenarada ee baaxada leh iyo Dekadda Dhuumaha iyo Haamaha Shidaalka, kuwaas oo dhawaan faraha laga qaaday, lagana dhisay xeebta Dooraale ee duleedka caasimada Djibouti, isla markaana lagu hirgaliyey lacag ku dhaw dhaw Lixboqol oo Milyan oo Doolar.

Waxa kale oo mashaariicda u qabsoontey ka mid ah buqcadda Xero-Guushka ballaadhan ee lagu dhixiyo isaga-gudubka Badeecadaha Gadislayda (Free Zone) taas oo bilawgeedii 2004-tii loo asteeyey dhul 32 Hectre ah, balse sanadihii danbe lagu daray 280,700 sqm laga dhisay bakhaaro waawayn oo lagu keydiyo  alaabooyinka safraha iyo qayb kale oo loogu talo galay in ganacsatada shisheeyaha ahi ay ka samaysan karaan warshado fudud oo wax soo saarkooda intey ku suntaan  “Made in Djibouti” ay sayladaha caalamka u iib geeyaan.

Mashaariicdan iyo kuwa kaleba waxa maalgashigooda lahaa gaashaanbuurta “Dubai World” ee dalka Imaaraadka Carabta, taas oo sanadkii 2000  ay xukuumada madaxwaynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle heshiis kula gashay inay maalgaliso, isla markaana maamusho  Dekaddii hore ee Djibouti.

Heshiiskaas oo mudadiisu ahayd 20 sano waxa lagu bilaabay hagaajinta maamulkii Dekaddii hore, taas oo lagaga gaadhay heer lagu casriyeeyey korna loogu qaaday tayada iyo awoodda adeegyadii ay u fidinjirtey Maraakiibta iyo Ganacsatada macaamiisheeda ah.

Heshiiskan waxa ka sii dhashay mid kale oo ay Djibouti iyo Dubai World iska kaashadaan hirgalinta mashaariic ee ay ka mid yihiin  Dekadda Koonteenarada ee Dooraale, taas oo ah ta ugu casriyeysan uguna baaxada wayn geeska iyo bariga Africa.

 Iskaashigaas waxa kale oo ka sii farcamay mashaariic kale oo ay hirgaliyeen shirkado hoostaga dallada “Dubai World” kuwaas oo ku dhiiraday inay Djibouti ka dhisaan Hotel Jibouti Kempiniski Palace, kaas oo  loogu talo galay inuu haqabtiro adeegyada martida heerarka ugu sareeya.

Hadaba wariye Haatuf ka tirsan oo dhawaan booqday Jibouti ayaa waxa uu u kuurgalay inuu wax ka ogaado waxyaalaha u saamaxay xukuumada dalkaasi inay ku guuleysato inay hesho Maalgashigaa ay ku fulisay horumarkan wayn ee dhinaca ganacsi iyo dhaqaaleba leh ee dalkaas haatan ka muuqda.

Warbixintaas oo faahfaahsan waxaad kala socon doontaan Cadadyada danbe.