Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2481 |
October 13, 2010 Dul-Qacda 05,1431H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Tartan Kubadeed Lagu Xusayo Muumulihii Dugsiga Sheekh Madar Marxuun C/Laahi Cabdi Cumar Oo Ka Furmay Hargeysa Tartan kubadeed lagu xusayo Maamulihii Dugsiga Hoose/dhexe ee Sheekh Madar Alle ha u naxariiste Marxuum Cabdillaahi Cabdi Cumar, ayaa shalay lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee dugsigaas. Munaasibadan oo ay soo qaban qaabiyeen dhallinta ku dhaqan xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa waxa ka qayb galay masuuliyiin isugu jira Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhallinyarada Ciyaaraha iyo Dhaqanka, Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland, maamulka iyo macalimiinta dugsiga, dhallinta xaafadda Shacabka iyo marti sharaf kale, waxa ugu horrayn halkaa ka hadlay Cumar Cali oo ku hadlayay magaca waalidiinta ardayda dhigata dugsiga Sheekh Madar, waxa uu mahadnaq u jeediyay dhallinyarada soo qaban qaabisay munaasibadan lagu xusayo Maamulihii Dugsiga Alle ha u naxariiste marxuum Cabdillaahi Cabdi Cumar oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Hargeya, waxa uu sheegay in uu ahaa nin wanaagsan oo dadnimo leh, waxaanu xusay in uu ahaa saaxiibkiisa khaas ka ah oo ay aad isku yaqaaneen muddo dheer. Waxa sidoo halkaa ka hadlay Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Somaliland Cabdirashiid Caydiid oo ka warramay muhiimadda ay leedahay in la qabto tartano kubadeed oo wax ku oo u leh dhallinta, waxaanu mahadnaqay dhallinyarada isu xil-qaantay in ay soo qaban qaabiyaan tartankan, isagoo ka hadlay xuskan loo sameeyay maamulihii dugsiga alle ha u naxariiste Marxuum Cabdillaahi Cabdi Cumar oo tilmaamay in uu ahaa shakhsiyad wanaagsan oo wax baray dhallin badan oo maanta jooga Hargeysa, waxaanu Alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo. Sidoo waxa xuskaas ka hadlay Khadar Cawad oo ku hadlayay magaca dhallinyarada soo qaban qaabisay munaasibadaas, waxana uu sheegay in Alle ha u naxariiste Marxuum Cabdillaahi Cabdi Cumar uu ahaa maamulihii dugsiga ay ka baxeen, isagoo xusay in uu kaalin weyn kaga jira doorkooda waxbarasho, waxaanu Alle uga baryay in uu naxariisti janno ka waraabiyo. Gabagabadii munaasibadaas waxa hadal ka jeediyaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarad Ciyaaraha iyo Dhaqanka Somaliland Mustafe Maxamuud Qodax oo ka waramay taariikhda Maamulihii dugsiga Alle ha u naxariiste Marxuum Cabdillaahi Cabdi Cumar, waxaanu tilmaamay in uu ahaa nin dabeecad wanaagsan oo dadnimo leh, isagoo sheegay in door muhiim uu qaatay waxbarashada dugsiyada, waxaanu xusay in ay aqoon badani ka dhaxaysay isaga iyo Marxuum Cabdillaahi Cabdi Cumar, islamarkaana uu tilmaamay in ay isku macalimiin ahaayeen, waxaanu Agaasimuhu mahadnaq ballaadhan u jeediyay dhallinyarada soo qaban qaabisay tartankan lagu xusayo Maamulihii dugsiga Hoose/dhexe ee Sheekh Madar. Ugu dambayntiina waxa uu Agaasimaha Wasaaradda Dhallinyarada Ciyaaraha iyo Dhaqanka si rasmiya ugu wareejiyay koobabkii guddoomiyaha guddida qaban qaabada tartankaas. Dhinaca kale xuskan oo ay ka qayb qaadanayaan lix kooxood oo ka tirsan xaafadda Shacabka waxa ciyaartii furiitaanku shalay ku dhex-martay laba kooxood oo ka tirsan xaafadaas, waxaana ciyaartaasi ku dhammaatay 3 iyo 3 ay isla dhaafi waayeen kooxahaasi. |