Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2416

July 29,2010                                                                                   Sha'ban 17,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Obama Oo La Sheegay In Aanu Ka Qayb Gali Doonin Arooska Chelsea Clinton

Masuuliyiinta guriga cad ee mareykanka White House ayaa sheegay in madax weyne Barack Obama aanuu ka qeyb gali doonin Arooska inanta ay dhashay wasiiradiisa arimaha dibada Hillary Clinton iyo madax weynihii hore ee mareykanka Clinton ee Chelsea Clinton,

 Ninka u hadla guriga cad ee dalka mareykanka looga arimiyo Robert Gibbs ayaa isagoo ka jawaabaya su,aal ay saxaafadu weydiisay oo ku saabsanayd in madax weyne Obama uu ka qeyb galayo Arooska Inanta Clinton uu ku jawaabay Maya kama qeyb gali doono madax weynuhu arooskaa, Chelsea Clinton oo ay iska dhaleen laba masuul oo sare oo dalka mareykanka iyo aduunkaba caan ka ah ayaa arooskedu dhici doonaa 31 bisha July, iyadoo saxaafada mareykanka iyo ta caaalamkaba ay aad u danaynayeen arooska aadna u hadal hayeen ayaan la garanayn sababta uu madax weye Obama uga qeyb gali waayey Arooska inanta ay dhashay wasiiradiisa Arimaha dibada,iyadoo Arooskaa ay kasoo qeyb gali doonaan madax badan oo ay ka mid yihiin wasiiro, Dublamaasiyiinta caalamka ee ku sugan dalka mareykanka iyo dad badan oo kale oo Muhiim ah,

 Chelsea Clinton ayaa guursan doonta ninka ay isu doonan yihiin ee Mark Mazvensk. iyadoo Arooskaasi ka dhici doono magaalada Rinnibik Hudsan Valley oo u dhaw magaalada NewYork.

Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad5@hotmail.com