Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2443

August 30,2010                                                                              Ramadan 20,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Agaasimaha Cusub Ee Wasaarada Kalluumaysiga, Khayraadka Badda Iyo Maamulka Dekedaha Oo Xilkii Kala Wareegay Agaasimihii Hore

Hargaysa, August 30, 2010 (Haatuf) - Agaasimaha cusub ee wasaarada Kalluumaysiga, khayraadka badda iyo maamulka dekedaha ayaa shalay si rasmi ah xilkii uga wareegay agaasimihii hore ee wasaaradaasi.

Xaflada xilwareejinta oo ka qabsoontay xafiiska wasiirka kalluumaysiga, ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Wasaarada kalluumaysiga, khayraadka badda iyo maamulka dekedaha, Xildhibaano, masuuliyiinta laamaha kala duwan ee Wasaarada iyo martisharaf kale.

Ugu horeyn wasiirka kalluumaysiga, khayraadka badda iyo maamulka dekedaha Dr. Maxamed Yaasiin Xasan oo labadan masuul xilka u kala wareejiyey ayaa agaasimihii hore wasaaradaasi ku amaanay muddadii uu wasaarada joogay waxyaabihii uu qabtay “Intii uu agaasimuhu joogay wasaarada oo ku siman 9 bilood hawl qaranimada Somaliland ku wanaagsan ayuu qabtay, aniguna intii aan wasaarada joogay si fiican oo daacadnimo ah oo wadaniyadi ku jirto ayuu iila shaqeeyey” ayuu yidhi wasiirka kalluumaysigu.

Waxa isaguna ka hadlay xafladan agaasimihii hore ee wasaarada kalluumasiga Xasan Maxamed Jaamac waxaanu ka waramay muddadii uu joogay wasaarada waxa u qabsoomay “Waxaan imi wasaarada bishii November badhatamaheedii 2009, markaa xafiisyada badankoodu may lahayn albaabo, gaadiid ay wasaaradu leedahay muu jirin, markii aan xilka la wareegay waxaan kiciyey gaadhigii agaasimihii hore wadan jiray, anigu qoladan KULMIYE isbadelka waan uga horeeyey” ayuu yidhi agaasimihii hore ee kalluumaysigu waxaanu intaa raaciyey “Wasaaradu waxay ka kooban tahay agaasimaha iyo saddex waaxood marka maamulka la eego, waaxda maamulka, waaxda kalluumaysiga iyo waaxda qorhsaynta saddexdaa waaxood ayey ka kooban tahay” ayuu raaciyey agaasimihii.

Cabdiraxmaan Cawil Xasan oo ah agaasimaha cusub ee wasaaradaa dhawaana ayaa isagu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xilkan loo igmaday una gudan doono sida ugu wanaagsan, isaga ka codsday ka soo qayb-galayaashii munaasibada inay ilaahay u baryayaan inuu xilka u fududeeyo.

Waxa isaguna ka hadlay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo tilmaamay inuu rajo wayn ka qabo wasiirka iyo agaasimaha cusubi inay wax badan ka qaban doonaan arrimaha xeebaha iyo kalluumaysiga.

Ugu damabayntii wasiirka Kalluumaysiga, khayraadka badda iyo maamulka dekedaha ayaa xilkii u kala wareejiyey labada agaasime.