|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2443 |
August 30,2010 Ramadan 20,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Wasiirka Daakhiliga Oo Xilkii Ka Qaaday Xooghayihii Dawlada Hoose Ee Hargeysa Mid Cusubna Magacaabay Hargeysa, August 30, 2010 (Haatuf) - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliand Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa shalay xilkii ka qaaday xoghayihii fulinta Dawlada Hoose ee Hargeysa Maxamed Aw Aadan Wayrax , isagoo u magacaabay Xoghaye cusub oo magaciisu yahay Deeq Xirsi Xujaale. Sidaa waxa lagu sheegay Waraaq uu shalay soo saray Wasiirka Arrimaha Guddaha Dr. Gaboose, taas oo uu ku magacaabay Deeq Xirsi Xujaale in uu bedalo xoghayihii hore ee dawlada Hoose Maxamed Aw Aadan Wayrax, wax kale oo wasiirku faray ku simaha duqa ahna ku xigeenka duqa Caasimada Maxamed C/ laahi Uurcade in sidda ugu dhakhsaha badan ugu kala wareejiyo xilka masuulkan cusub iyo masuulkii hore oo ku amaanay muddadii uu xilka hayey sida wadaniyada leh u gutay wajiibaadkii qaranka ka sarana wax kale oo wasiirku kula dardaarmay xoghayaha cusub inuu halkaasi ka sii anba qaado hawsha qaranka ee loo igmaday. Wasiirka ayaa xoghayihii hore uga mahadnaqay siddii fiicnayd ee intii uu xilka hayey u gutay waxaanu Xooghaya cusub ku booriyey inuu qabyo tiro hawlaha horyaala dawlada Hoose. Xooghayan xilka laga qaaday ayaa muddo dheer hayay xilkan, balse waxa xil ka qaadistiisa loo aanaynayaa wakhtigii lagu jiray olalihii Doorashada Madaxtooyada inuu si toos ah u galay olalaha, isaga oo ah masuuliyinta aanu sharcigu u ogalayn inay xisbi u olaleeyaan. Xukuumada Siilanyo ayaa dhinacyo badan ka eegaysa Magacaabista shakhsiyad hawl kar ah si ay Xukuumada cusbi u noqoto mid ka turjunta horumarkii xisbiga Kulmiye ku olalaynayay sanado badan, si looga dhabeeyo balanqaadyadii shacbka iyo kulmiye ku heshiyeen oo ahaa in dalka laga tirtiro masuliyiinti Xukuumadii hore ee caanka ku ahaa musuqmaasuqa. |