|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2443 |
August 30,2010 Ramadan 20,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Galliani: “Imaantinka Ibrahimovic waxay Milan ka dhigtay kooxda ugu weeraryahanada fiican” Gudoomiye ku xigeenka kooxda AC Milan Adriano Galliani ayaa ka shanqadhiyey in Milan ay hada noqotay kooxda ugu weeraryahanada wanaagsan caalamka, saacado kadib markii ay lasoo wareegtay laacibka kooxda Barcelona iyo xulka Sweden Zlatan Ibrahimovic. Galliani ayaa ku adkeystay in Milan ayna ka baqi doonin cidna mar hadii ay heleen weeraryahankii hore ee kooxaha Inter iyo Juventus kaasoo ay habeen hore ugu danbeytntii soo xera geliyeen.“Hadii aad afka hore ka wada ciyaarsiiso Zlatan Ibrahimovic, Alexandre Pato iyo Ronaldinho, Milan waxa ay la tartami doontaa cid kasta, si aan caadi aheyn ayaan ugu faraxsanahay in aan wada yeelano Ibrahimovic, Pato iyo Dinho kuwaas oo hada ah weeraryahanada ugu awooda badan qaarada Europe" ayuu yidhi Adriano Galliani. Habeen hore maqribkii ayey AC Milan ku dhawaaqday in ay ku guuleysatay Ibrahimovic kadib wada hadalo dhib badan oo maalmahan uga socday magaalada Barcelona iyada iyo kooxda Barcelona, waxana ay ku heshay Milan laacibkan amaahda xorta ah ee loo yaqaan (free loan) iyadoo heshiiska uu qeyb ka yahay in ay €24milyan ku iibsan karto hadii ay iska bixiso. Ibrahimovic ayaa saxeexaya heshiis afar sano ah isaga oo mari doona tijaabada caafimaadka ka hor inta aanu ku laaban dalkiisa oo uu kala qeyb gali doono xulka ciyaaro caalami ah, waxana uu sanadkiiba qaadan doonaa mushahar dhan €8.5milyan iyo gunooyin dheeraad ah, taasoo ka dhigeysa €12milyan oo ah lacagta uu hada ka qaato Barcelona. Xilli ciyaareedki hore ayuu xidigani ku biiray kooxda Barcelona isaga oo kaga soo wareegay kooxda Inter ee ay sida aadka ah isaga soo horjeedaan Milan waxana ay ku sii daysay lacag dhan €50milyan iyo Samuel Eto’o. |