|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2443 |
August 30,2010 Ramadan 20,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Ururka UDUG Oo Olole Caafimaad Oo Khasin Ururin Ah Ka Fuliyaya Xaafada Gantaalaha Ee Degmada Ibraahim Koodbuur Xaafada Gantaalaha oo kamid ah Degmada Ibaraahim Koodbuur ee magalaada Hargeysa ayaa shalay waxa ay qaadeen Olole nadaafadeed oo balaaadhan waxana Ololohaa soo abaaabulay oo qayb libaax ka qaatay Ururka Dhaliyada ee UDUG. Hadaba Iyada lagu jiro xili Roobaad ayaa waxa laga cabsi qabaa in ay ka dilaacaan goobaha khasinka cudurada faafa ee uu horseedka u yahay Shuban biyoodku iyada oo dhawaan ay ka dilaacen degmooyin ka tirsan Somaliland. Hadaba xaafadan oo kamid ah xaafada ay cidhifyada ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ay shalay sameeyeen isku soo bax balaadhan oo ay ku nadiifinayaan goobaha khasinka ee bilicda xaafda iyo saxadeedaba ku lid ka ah. Hadaba ururka aadka u fir fircoon ee UDUG, soo agaasimay Ololohan balaadhan ayaa waxa uu si iskaa waxa u qabso ah uga fuliyay goobihii ay buux dhaafiyeen xashiishku. Gudoomiyaha Ururka UDUG, Maxamed Cumar Jibriil, oo ka warbixiyay saamaynta uu khasinku ku yeelan karo dadka ku dhaqan xaafada iyo guud ahaan magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay in ay waajibtahay in laga hortago Cudur oo la nadiifiyo dhamaan xaafadada Gantaalaha iyo guud ahaan Caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxa kale oo uu gudoomiyuhu carabka ku dhuftay in ay ka urur ahaan si wayn ugu howl gali doonaan sidii loo nadiifin lahaa khasinka xaafada, iyo Guud ahaan Degmada Ibraahim koodbuur oo ay ka tirsantahay xaafadu ugu danbayntii waxa uu guduumiyuhu xukuumada cusub iyo golaha deegaankaba ka cosaday in ay il gaara ku eegaan xaafada darifyada magaala ku yaal oo ay ka mid tahay xaafada Gantaaluhu taasi ay kamaqan yihiin baahiyo aas aasiya oo ay ugu horeeyaan Biyo iyo Caafimaad. Waxa kale oo ka mid ahaa xubnihii sida wayn uga dhex muuqday halqabadkan qashin ururiska ah. Gudoomiyaha waaxda Caafimaadka ee ururka UDUG, C/qaadir Ibraahim X. Cali (Deco), oo siwayn ugu agaasimayay uguna buurinayay dadkii dhalinyara iyo dumarka u badnaa ee ka soo qayb galay hawshii lagu nadiifinayay xaafda Gantaalaha. |