|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2444 |
August 31,2010 Ramadan 21,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Guddoomiye Ku Xigeenka UCID Oo Markii Ugu Horaysay Shaaca Ka Qaaday Inuu U Tartamayo Mansabka Guddoomiye-nimada Hargeysa, August 31, 2010 (Haatuf) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Aadan Maxamed Mire Waqaf, ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday inuu ku tartami doono jagada Guddoomiye-nimada xisbiga UCID, waxaanu sheegay in uu marka wakhtiga doorashada Guddoomiye-nimada xisiga UCID la gaadho uu diyaar u yahay tartan inuu u galo mansabkaasi. Waxaanu sidaas ku sheegay Aadan Maxamed Mire Waqaf waraysi khaas ah oo uu wargeyska Haatuf xalay ku siiyey khadka tilifoonka. Waqaf waxa kale oo uu ka hadlay kulankii shalay Madaxtooyada ku dhexmay masuuliyiinta saddexda xisbi qaran, Komishanka, Shirgudoonka labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Guurtida iyo Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo. Ugu horayna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga UCID oo ka hadlaya damaciisa siyaasadeed iyo in uu rabo in uu isku soo taago tartanka jagada Gudoomiye-nimo ee xisbiga UCID,waxa uu yidhin “Tartankaas waan ka qayb galayaa, laakiin wakhtigeeda marka ay timaado, wada tashi la sameeyo, markaas ayuun bay arintaasina macquul tahay, Qof waliba waa arin uu xaq u leeyahay in uu tartankaas ka qayb qaato, cidii danaynaysaana waa mid ay hawsheeda gali doonto marka wakhtigeeda la gaadho” Waqaf waxa uu intaas ku daray isagoo ka hadlaya kulankii ay shalay la yeesheen Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu yidhi “Waxa laga hadlayey ee la gorfeyayey waxa ugu mihiimsanaa doorashooyinka inagu soo foolka leh, sida kuwa deegaanka, wakiilada iyo guurtida sida laga yeelayo, waxaana la isku afgartey oo la isla qaatey in sadexda xisbi qaran iyo Komishanku ay isla eegaan wixii lagaga arinsan lahaa, talooyin inta laga soo bixiyo talooyinkaasna loo gudbiyo madaxwaynaha, arintaasna bari tobanka ayaa loo balamay (maanta), markaas wixii talo ee la isla garto ayuun baa loo gudbinayaa madaxwaynaha” Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Aadan Maxamed Mire Waqaf mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd diidmo ay KULMIYE iyo UCID diidan yihiin in la furo ururadii ay labadooduba ku galeen ololihii doorashada waxa uu yidhi “Taladaa way soo jeedin karaan labada xisbi, laakiin waxa weeyi talo aan u ool labadooda xisbi oo kaliya, waa mid u taal qaranka oo dhan wixii laga yeelayaa, cidii figradaa qabtaa way soo bandhigi kartaa, waana laga doodayaa dabadeed wax la isla ogal yahay ayuun baa lagu dhaqaaqayaa” Mr. Mire Waqaf mar uu ka jawaabayey mawqifka ay xisbi ahaan ka taagan yihiin nidaamka xisbiyada badan, waxa uu yidh “Wixii la isla qaato cidi kaligeed diidi mayso, arintaasna xisbi kaliyaana ma laha go’aankeeda, taladaasna waxa loo daynayaa oo siday rabaan la raacayaa waa shacbiga” Guddoomiye ku xigeenka koowaad mar ka hadlaya balanqaadadii xisbiga talada haya ee Kulmiye inay ka mid ahayd in ay furi doonaan ururada xiliga doorashadda deegaanka, waxa uu yidhi “ka hor-dhici maayo arintaas, waanigii ku lahaa wali wada hadalkeedii wuu socdaa, markaa wakhtigan xaadirka ah Kama hadli karo siday yeelayso xukuumadu” Dhinaca kale waxa aanu xalay khadka tilifoonka kula xidhiidhnay Guddoomiyaha siyaasada ee xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, ugu horayna isaga oo ka hadlay waxa ay ka wada hadleen masuuliyiinta xisbiyada, Koomishanka iyo Madaxwayne Axmed Siilaanyo, waxa uu yidhi “Waxa laga wada hadlay waxa ka mid ahaa mudo dhaafkan doorashooyinka golayaasha Deegaanka, Wakiilada, Guurtida waxa laga yeelayo arintaas ayey ahayd ta aanu ka wada hadalney masuuliyiintii kulankaas Qasriga Madaxtooyada iskugu yimid”. |