|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2444 |
August 31,2010 Ramadan 21,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
“Waxaan Ahay Muwaadin Xaq U LehInuu Xilka Si Sharciga Waafaqsan U Wareejiyo, Wax Warqad Xilwareejin Ah Labadayada Midna Ma Haysto” Eng. Xuseen Cilmi Maareeyihii Hore Ee Korontada Hargeysa, August 31, 2010 (Haatuf) – Waxa shalay xafiiska maareeyahay wakaalada korontada ka dhacay xaflad ay kula kula kala wareegeen xilkii Hay’ada korontada oo ay kula kala wareegeen masuulkii hore ee wakaalada kororantada Eng. Xuseen Cilmi Warsame iyo maareeyahay cusub Xasan Cismaan Aadan (Sabce). Xafladaas xilka lagula kala wareegayey ayaa waxa ugu horayn madasha ka hadlay Maareeyihii hore ee wakaalada korontada Eng. Xuseen Cilmi Warsame waxaanu ka hadlay waxyaabihii u soo qabsoomay intii uu joogay, carqaladihii ka horyimid mudadaas 7 sano aheyd ee uu xilka hayey . Waxa kale oo uu maareeyihii hore ka dhawaajiyey in uu xilkan u wareejinayo milgihii ugu xumaa ee loo wareejiyo xil, waxaanu sheegay in aanu wax warqad ah oo uu madaxtooyada ka helay aanay jirin, sidoo kalena maareeyaha cusub ee wakaalada korontada Xasan Cismaan Aadan (Sabce) aanu wax warqad ah oo xilwareejineed aanu ula iman. Waxaanu maareeyihii hore ka codasaday dawlada Axmed Siilaanyo in ay nidaamkaas wax ka badasho. Waxa isaguna xaflada soo xidhay oo ka hadlay Maareeyaha cusub ee wakaalada korontada Xasan Cismaan Aadan, waxaanu sheegay maareeyuhu in aanu warshada ku cusbeyn oo uu ka mid ahaa ragii hore uga soo shaqeeyey maamulkeeda. Waxa kale oo maareeyaha cusub uu madasha ka Sheegay in uu soo eegi doono isna dhiniciisa Files-ka Ugu horayn Maareeyihii hore ee wakaalada korontada Eng. Xuseen Cilmi Warsame mar uu ka hadlayey Nidaamka xilka ay ula kala wareegayaan isaga iyo maareeyahay cusub ee wakaalada Korantada Md Xasan Cismaan Aadan (Sabce), waxaanu Xuseen Cilmi yidhi “Anigu cadaw dal kale ka yimid ma yihi, waxaan ahay muwaadin xaq u leh in uu xilka si sharciga waafaqsan u wareejiyo, noloshayada inta ugu badan waxaan u shaqaynayey, ilaa wakhtigaygii aan ka shaqaynayey School-kii farsamada gacanta ee Burco ilaa wakhtigii aan agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada aan ahaa iyo mudo 7 sano ah oo aan ahaa Maareeyahay wakaalada Korontadaba maan arag xil wareejin sidan ah. maanta xilkan aan wareejinayo wax warqad ah oo i soo gaadhay oo aan ilaa hada hayaa ma jirta, maareeyaha cusubna waa ila mid wax warqad ah oo uu iila yimid ma jiraan, Jaraa’idada ayuun baan ku arkay xil-wareejintan, markaas waxaan ugu baaqayaa xukuumada cusub ee hada Somaliland ka talisa in aanay dib u dhicin nidaamkaas aan maanta xilka u wareejinayaa oo masuuliyiintu marka ay xilka la kala wareegayso loo maraa nidaamkii caalamiga ahaa ee hore loogula kala wareegi jiray” Dhinaca kale Eng. Xuseen Cilmi Warsame mar uu ka hadlayey kormeer ay ku soo gaalaa-bixiyeen isaga iyo maareeyaha cusub mishiinada iyo dhamaan warshadaba waxa uu yidhi “Kormeer wanaagsan ayeynu ku sameynay halkii mishiinadu yaaleen oo aynu ku samaynay, taas oo ah wadnaha warshada, waxa imika shaqeeya waa 3 mishiin, sadexdaa mishiin laba waa mishiino Maraynkan ah oo Katabilar ah, waa kuwii markii madaxwaynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin tagay Jabuuti ee uu yidhi mishiino igu caawiya, waa kuwii iyaga oo aan cusbeyn Jabuuti ina siisay, waxa soo raaca ka cusub oo isaga gabigiisaba 1,650 saacadood shaqeeyey, isna waa mid u dhigma awooda labada kale 100 ayaabu dheeryahay, 1,650 KVA, dalka markii aynu soo galney laba mishiinbaa dib loo istaadhay, mid Jarmal ayuu ahaa midna Ingiriis” Maareeyihii hore ee wakaalada korontada Eng. Xuseen Cilmi Warsame mar uu ka hadlayey nidaamka xilka ay ula kala wareegayaan isaga iyo maareeyahay cusub ee wakaalada Korantada Xasan Cismaan Aadan, waxa uu yidhi “Anigu cadaw dal kale ka yimid ma yihi, waxaan ahay muwaadin xaq u leh in uu xilka si sharciga waafaqsan u wareejiyo, noloshayada inta ugu badan waxaan u shaqaynayey, ilaa wakhtigaygii aan ka shaqaynayey School-kii farsamada gacanta ee Burco ilaa wakhtigii aan agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada aan ahaa iyo mudo 7 sano ah oo aan ahaa Maareeyahay wakaalada Korontadaba maan arag xil wareejin sidan ah. maanta xilkan aan wareejinayo wax warqad ah oo i soo gaadhay oo aan ilaa hada hayaa ma jirta, maareeyaha cusubna waa ila mid wax warqad ah oo uu iila yimid ma jiraan, Jaraa’idada ayuun baan ku arkay xil-wareejintan, markaas waxaan ugu baaqayaa xukuumada cusub ee hada Somaliland ka talisa in aanay dib u dhicin nidaamkaas aan maanta xilka u wareejinayaa oo masuuliyiintu marka ay xilka la kala wareegayso loo maraa nidaamkii caalamiga ahaa ee hore loogula kala wareegi jiray” Maareeyihii hore wakaalada korontada Eng. Xuseen Cilmi Warsame isagoo ka hadlay shidaalka ku baxa warshada iyo dhibaatada ay kala kulmi jireen sida shacbiga ay u adkeyd in looga helo lacagta laydhka, waxa uu yidhi “saacadii 300 Liter iyo wax ka badan ayuu cunaa, ku dhawaad 20 foosto oo shidaal ah ayaa la isticmaalaa 18-kii saacadood ba mar, foostadiiba waxay dalka ka taagan tahay 100 iyo dhawr iyo afartan doolar, runtii lacag badan ayaa ku baxda, dadkiina sida aad lacagta laydhka uga hesho ayaaba adag, waayo dadkeenu way iska baahan yihiin, waxa dawladuna inta badan waa timir xabaal taala, saacad si sax ah u shaqaynaysaa ma jirto, farsamo yaqaan ayey dadku yeedhanayaan, keygana Alle ha ka dhigee oo ay odhanayaa hoo jaadkan yar oo bahashan (Saacada) iga istaaji” intaa ka dib waxa madashada xaflada ka hadlay oo hadalo mahad naq, gubaabo iyo aqoonta uu u leeyahay warshada korontada xafladaas xil wareejinta ka soo jeediyey Maareeyaha cusub ee wakaalada korontada Xasan Cismaan Aadan (Sabce), waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Waxaan kaaga mahad celinayaa hawshan halka aad soo gaadhsiisay, kolay Xuseen Waa nin aftahana oo macalina soo ahaan jirya, markaa anigu ku gaadhi maayo hadal, hadaan ka hadlo arinta warashadah, anigu kuma cusbi cusbi warshadan waxaa run ah in aan mar labaad ku soo noqday, guryahan lagu jiro gacanteyada ayaanu ku soo dhisney, markaa maaha mid igu cusub, dadka ayuun baa igu cusub iyo shaqaalaha, barigii hore waanu ka wanaagsaneyd sidan hada uu Xuseen sheegayo, waayo dawlada ayaa waxan wada kafaala qaadi jirtey, hada noqon lahayd mishiino la keenayo iyo wixii baahiyo ah ee ay warshadu u baahan tahayba, maanta arintii inaga ayuun bay inagu soo baxday, waxaanan jecelahay in shaqaalugu sidii ay Xuseen Cilmi ula shaqeeyeen in ay iila shaqeeyaan, waxaanan idinka codsanayaa in aad igala shaqaysaan sidii ayu caasimadeena u shidi lahayn. Maareeyihii hore ee wakaalada korontada Eng. Xuseen Cilmi Warsame mar uu ka hadlayey nidaamka xilka ay ula kala wareegayaan isaga iyo maareeyahay cusub ee wakaalada Korantada Xasan Cismaan Aadan, waxa uu yidhi “Anigu cadaw dal kale ka yimid ma yihi, waxaan ahay muwaadin xaq u leh in uu xilka si sharciga waafaqsan u wareejiyo, noloshayada inta ugu badan waxaan u shaqaynayey, ilaa wakhtigaygii aan ka shaqaynayey School-kii farsamada gacanta ee Burco ilaa wakhtigii aan agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada aan ahaa iyo mudo 7 sano ah oo aan ahaa Maareeyahay wakaalada Korontadaba maan arag xil wareejin sidan ah. maanta xilkan aan wareejinayo wax warqad ah oo i soo gaadhay oo aan ilaa hada hayaa ma jirta, maareeyaha cusubna waa ila mid wax warqad ah oo uu iila yimid ma jiraan, Jaraa’idada ayuun baan ku arkay xil-wareejintan, markaas waxaan ugu baaqayaa xukuumada cusub ee hada Somaliland ka talisa in aanay dib u dhicin nidaamkaas aan maanta xilka u wareejinayaa oo masuuliyiintu marka ay xilka la kala wareegayso loo maraa nidaamkii caalamiga ahaa ee hore loogula kala wareegi jiray” Sidoo kale Mar aanu xalay khadka tilifoonka kula xidhiidhney, Maareeyaha cusub ee wakaalada korontaada Md Xasan Cismaan Aadan waxna kaga waydiinay bal in uu wax dayn ah kala wareegey maariyihii hore waxa uu noo sheegay in aanu wax deyn ah ilaa iyo hada la wareegin, balse uu dhiniciisa ka soo eegayo daynta lagu leeyahay Warshada iyo ta ay iyadu leedahayba, waxaanu isagoo maareeyaha wakaalada korontada Md Xasan Cismaan Aadan (Sabce) ka hadlaya arintaas si kooban u yidhi “Wali wax deyn ah lamaan wareegin, waxaanu rabaa in aanu dhinacayga ka eegno wixii nalagu leeyahay iyo wixii aanu anugu cid ku leenahayba, markaa arintaas waxaan ka hadli doonaa wakhtigeega”. |