|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2444 |
August 31,2010 Ramadan 21,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Guddoomiyaha Cusub Ee Hay’adda Shaqaalaha Oo Xilkii Kala Wareegay Guddoomiyihii Hore Hargeysa, August 31, 2010 (Haatuf) - Guddoomiyaha Cusub ee Hay’adda Shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi ayaa shalay xilkii kala wareegay Guddoomiyihii hore ee hay’addaasi C/raxaman Xuseen Ismaacil Cadami. Xafladda xil wareejinta oo ka dhacaday Hoolka Hay’adda shaqaalaha Qaranka ayaa waxa ka soo qayb galay Xildhibaano ka tirsan labada Gole, shaqaalaha Hay’adda iyo marti sharaf kale. Ugu horey waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyihii hore ee hay’addaha Shaqaalaha C/raxmaan Xuseen Ismaacil Cadami, waxanu tilmamay in muddadii u joogay hay’adda shaqaalaha inay u qabsoomeen waxyaabo badan, guulo badana ay gaadheen, isagoo guddoomiyihii hore arimahaasi ka hadlayana waxa hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi “Marka hore waxaan salaamaya dhamaan marti sharta ka soo qayb gashay xafladan aan maanta (shalay) xilka hay’ada shaqaalaha ku wareejinayo Guddoomiyahan Cusub Muxumed Aw Cabdi oo aan leeyahay ku soo dhawoow gacmo furan, xilkan aan kugu wareejinayo ayaa leh amaantiisa iyo dhalishiisaba, marka waxa lagaaga baahan yahay in aad isku xidho shaqaalaha halkan jooga oo dadaalka halkii aan ka waday aad ka sii wado, waxaan dhamaan shaqaalah kula dardaarmayaa inay la shaqeeyaan Guddoomiyah cusub. Hay’adani waxa ay xubin ka tahay waaxda garsoorka aniguna waxaan ka balan qaadayaa in aan kala hagran dooni waxa alale iyo wixii aad iiga baahato. Dhinaca kalena waxa isaguna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Cusub ee Haayada shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi oo balan qaadayn in uu ka shaqaynayo horumarinta Shaqaalaha isagoo ka hadlay xilkan uu qaaday waxa u yadhi “Waxaynu wada ognahay in hay’adani ay qaranka uga wakiil tahay una xil saarantahay shaqaalaha rayidka ah oo ah lafdhabarta iyo mishiinka dhaqaajinaya ama ay ku dhaqaaqdo dawladu, sidaa darteed waxa waajib ku ah cid kasta oo hay’adan madax ka noqota inay ku dedaasho tayaynta iyo toboborka shaqaalaha. Sidaa darteed waxaanu balan qaadayna in haddii aanu nahay masuliyiinta cusub inaanu u hawl gali doono si kasta oo wax qabad oo kor loogu qaado lahaa aqoonta shaqaalaha, anagoo kaashanayna machadka shaqaalaha iyo meel kasta oo aan ka helno deeq waxbarasho si kor loogu qaado xirfada iyo aqoonta shaqaalah dawlada. |