|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2444 |
August 31,2010 Ramadan 21,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Kulan Wada Tashi Oo Dhex-Maray Madaxda Xisbiyada, Labada Shirgudoon, Komishanka Iyo Madaxwayne Siilaanyo Oo Ka Qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Hargeysa, August 31, 2010 (Haatuf) - Kulan balaadhan oo shalay ka dhacay Qasriga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweynaha JSL, Madaxweyne ku xigeenka, Shir-guddonada labada gole (Guurtida iyo Wakiilada), hoggaamada saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Dorashoyinku, ayaa si guud iskugu afgartey in aanay sababo badan awgood aanay suurtagal ahayn qabashada doorashada goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada oo ay muddo aad u yari ka hadhay, iyada oo la ogyahay in ay tii deegaanaduna muddo dhaaf tahay. Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii uu qaranku talo uga yeelan lahaa doorashooyinka goleyaasha ee kaabiga inagu soo haya, ayey madaxdu ku lafo gureen duruufta dhaqaale iyo ta siyaasadeed ee dalka, gebagebadiina waxa la isku raacay in ay madaxda sadexda Xisbi iyo Komishanka doorashooyinku ka soo talo bixiyaan wakhtiyada ku habboon iyo duruufaha kale ee ku gedaaman doorashooyinka , sida shuruucda ay badhkood qabyo yihiin. Xubnaha ka qayb galay kulankan waxay kala ahaayeen sidan:- 1. Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud ( Silaanyo ) 2. M/wayne ku-xigeenka JSL Mudane: C/raxmaan C/laahi Ismaaciil ( Saylici) 3. Gudoomiye kuxigeenka Kowaad ee Golaha Guurtida Sh. Axmed Nuux Fure 4. G/ xigeenka Labaad ee Golaha Guurtida Md siciid Jaamac Cali 5. G/ ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Md Baashe Maxamed Faarax 6. Gudoomiyaha Komoshanka Doorashooyinka Qaranka Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise Xamari) 7. Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Maxamed Axmed Xirsi Geele 8. iyo laba Xubnood oo kale oo komishanka Qaranka ah oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Faarax Abiib Aadan 9. Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe 10. G/ xigeenka Xisbiga UCID Aadan maxamed Mire Waqaf 11. Af-hayeenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen 12. Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi 13. G/ ku Xigeen Xisbiga Kulmiye C/raxmaan Cabdi Qaadir 14. G/ ku xigeenka xisbiga Kulmiye C/raxmaan Talyanle 15. Xog-hayaha Guud ee Xisbiga kulmiye Kayse Xasan Cige 16. Madaxwayne ku-xigeenkii Hore JSL Axmed Yuusuf yaasiin 17. Wasiirkii Hore Maaliyada Cawil Cali Xuseen Xisbiga 18. Gudoomiha Siyaasada ee Xisbiga UDUB Cumar Jaamac. |