Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2444

August 31,2010                                                                              Ramadan 21,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Magacaabista Maareeyaha Cusub Ee Dekedu   Ma Yahay Mid Ku Haboon Mansabkaa Mise Waa lala wayey?

Faallo -Khalid Xabsi

Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamud  Siilanyo ayaa Dekeda BerBera u magacaabay maasuul cusub oo badali doona Maareeyihi hore Cali Cumar Maxamed  (Cali Xoor Xoor) ,kaas    oo magaciisu yahay Axmed Yuusuf Dirir  oo ka tirsanaa  Shaqaalaha Dekeda  gaar ahaan qaybta xisaabadka  mudo dheerna ka soo shaqeynayay Marsada BerBera .Mansabkan  Maareeyaha Dekeda BerBer oo kolayba ka soo dhex bixi lahaa Bulshada Degaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Saaxil gudo iyo debed mid kay doontba  ha ku suganaate . xulashada masuliyiinta dawladda ayaad mooda in Madaxweyne Siilaanyo ka eegayo dhinacyo badan si Xukuumadiisu u noqoto mid ka turjunta horumarkii iyo isbadalkii sannadaha badan xisbiga kulmiye ku olalaynayey si looga dhabeeyo ballanqaayadii shacbiga iyo kulmiye ku heshiyeen . dhinaca shacbiga doortay kulmiye ayaa jecel in ay xukuumaddasi noqoto mid siyaabo  badan kaga duwan xukuumadii dhacday ee Madaxweyne  Rayaale  oo lagu dhaliili jiray wax qaban La’aan . Tan iyo markii la soo saaray  madaxda loo soo magacaabay laamaha kala duwan ee Gobolka Saaxil , ayaa shacabka reer BerBera isku raacen in ay  horumar la taaban karo gaadhsiin doonan Gobolka , hasa yeeshe magcaabista xilka mareeyaha dekeda ayaad mood  in madaxweynaha loo hoos qariyay oo dad badan oo ku nool BerBera ay isku raceen in madaxweynuhu ku degdegay Mansabkaas    oo ay wanagsanayd in aad looga baraan dago madaama mansabkani u yahay kursiga lagu soo saaro dhaqaalaha dalka  si hadalka ka soo baxa maamulka Dekedu u noqda mid u dhadhama  ummada , magacaabista Mr. Dirir-na u eegtahay shakhsi  aan ku haboonayn Xilkaas  xilkan ayaa markii horaba miiska sii saarna maalmihii u danbeeyay ,waxana  sii qorshaysana masuliyiin dagaal adag u galay xisbiga kulmiye xiligii lagu jiray Doorashada kuwaas oo maalmihii u danbeeyey hadalhayntoodu ka soo shaacbaxday warbaahibta madaxbanan iyo goobaha Bulsahadu ku kulanto. si kastab ha ahaate maareeyahan  dekeda ayaa lagu tilmaami kara  nin aan  aad ulala macaamili Karin shaqaalaha ka hawl gala Dekeda , waxaana dhici karta in xidhiidhka Dawlada Cusub iyo shacabka reer BerBera ay isku dhacaan .madaxweyne Siilanyo ma odhan karo maxaad ku dooratay Maareeyahan, kamana  hor joogsan karo  cid kasta oo uu xilkaa uu u  magacaabo , hasa yeeshe Magacaabista Maareeyhan cusub ayaa la odhankara waa xilkii u horeyay ee intii ay dhalatay Xukuumadan Siilanyo ee aan doob dilaacsan ay dad badan ka biyo diidan  loona baahan yahay in dib loogu noqdo.