|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2444 |
August 31,2010 Ramadan 21,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Beeroole U Dhashay Hindia Oo Moobil Ku Qarxay Si Xuna Uga Dhaawacmay Qoorta Iyo Dhegta Midig Nin u dhashay dalka India oo 23 jir ah oo lagu magacaabo Gopal Gujjar, ayaa lagu soo waramayaa in uu si xun u dhaawacmay ka dib markii uu ku qarxay Tilifoonkiisii Mobilka ahaa ee uu sitay oo noociisu ahaa Nokia. Warkan oo aanu ka soo xiganay warsidaha lagu magacaabo India Times, ayaa intaa ku daray in ninkan ay dhaawacyo halis ahi ka soo gaadheen dhegta midig, qoorta iyo cududaha. Sarkaal u hadlay booliska dalkaa ayaa sheegay in aanay jirin cid goob joog u ahayd dhacdadan marka laga reebo hadalada uu ninkan dhibanaha ahi ku sheegay in uu Moobilkiisu ku qarxay, waxaanu tibaaxay sarkaalkan booliska ahi in aan ilaa hada si dhab ah loo ogayn in qaraxani uu dhacay wakhtigii uu ninkani ku hadlayay moobilkiisa iyo in kale. Sarkaalku waxa uu tibaaxay in shilkani uu ka dhacay beer uu ninkani deganaa oo ku taala gobal ku yaala dhinaca waqooyi ee dalka India oo lagu magacaabo Rajasthan, waxaanu ka dhawaajiyay in isla goobtii qaraxani ka dhacay laga helay burburkii moobilka oo noociisu ahaa NOKIA 1209, Modelkii soo baxay sanadkii 2008-dii. WargeyskaTimes of India waxa uu sheegay in shilkani aanu ahayn kii u horeeyay ee noociisa oo kale ah ee ka dhaca India oo ay keenaan Moobilada aan la jaaj garaynini. Si kastaba ha ahaatee, badhtamihii bishii January ee sanadkan ayay ahayd markii haweenay u dhalatay india ay ku naf weyday dhacdo tan oo kale ah xilli ay ninkeeda kula hadlaysay Moobil Chinese ah oo dhaafay xilligii loogu talo galay in la jaaj gareeyo. Shilalka noocan oo kale ah ayaa lagu soo waramayaa in aanay ku koobnayn oo kaliya dalka India, balse shilal kuwan la mid ahi ay ka dhaceen dalalka China, South Korea iyo Nepal. |