|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2445 |
September 01, 2010 Ramadan 22,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Taliyihii Ciidanka Asluubta Ee Laascaanood Oo Xalay Fiidkii Koox Dabley Ahi Toogasho Ku Dishay Hargeysa, September 1, 2010 (Haatuf) - Shalay makhribkii ayaa dil toogasho ah lagu khaarajiyay taliyihii Jeelka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Marxuum Cabdi Ciise Nuur, isaga oo xilligaasi ka soo baxay gurigiisa oo ku yaala xaafada la yidhaahdo Geeda-qarsi ee magaalda Laascaanood. Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Laascaanood, taliyahiii ciidanka asluubta ee gobolka Sool oo xilligaas gurigiisa ka soo baxay wakhtigii afurkii, islamarkaana saaran gaadhigiisa oo darawalkiisu waday ayaa koox dabley ahi tacshiirad rasaas ah huwiyeen, halkaas oo taliyihii ku geeriyooday halka uu dhaawac ka soo gaadhay darawalkii gaadhiga u waday iyo askari ilaaladiisa ahaa. Dilkan, ayaan wali la aqoonsan cida geysatay iyo cida ka dambaysay toona, balse sida ay sheegeen masuuliyiinta xukuumada ee gobolka Sool ayaa ku waramay, inaan hada cid loo hayn arrinkaa dilka laakiin dad loo qabqabtay arrinkaas taliyaha Asluubta ee Sool, balse baadhitaan dhacdadaasi ku saabsan ay ciidamada amaanku ku guda jiraan Gudoomiyaha gobolka Sool C/llaahi Jaamac Diiriye oo xalay dilka taliyaha jeelka ee Laascaanood loogu geystay, ka dib Haatuf uga waramay khadka Tilifoonka waxna kaga weydiinay dilkaas, isaga oo ka hadlaya waxa u yidhi“ Waxa weeye Taliyaha markii uu soo afuray ee uu gurigiisa ka soo baxay ayaa taliyaha tacshiirad rasaas ah lala beegsaday, isaga oo ay la socdaan darwalkiisa oo gadhiga waday iyo askari Ilaaladiisa ahaa, arinkaana dad loo qabqabatay baa jira laakiin baadhitaan baa socda, waana la baadhayaa warka xaqiiqda ahna waxaad la helayaa aroorta (maanta)” Gudoomiyaha mar aanu weydiinay waxa uga qorshaysan dilalka soo noqnoqonaya ee lagu bartilmaameedsanayo saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiinta, waxa uu yidhi “ waxanu hada qorshaheeda wadnay sidii aanu u xoojin lahayn nabadgalyada gobolka, islamarkaana aad u adkayn lahayn amaanka” Mar uu ka hadlayay badhasaabka Sool dableyda dilka toogashada ah ku khaarajiyey taliyaha Jeelka Marxuum Cabdi Ciise Nuur tiradooda waxa uu sheegay inay ahaayeen lix nin meel u dhaw halka ay taliyaha ku dileen uu gaadhi u taagnaa, meesha lagu dilay dilay taliyahana waxa la yidhaahdaa Geeda-qarsi. |