Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2445

September 01, 2010                                                                       Ramadan 22,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Cali Xoor-Xoor Oo Ka Dhawaajiyey In Aanu Xisbi Gaar Ah Ku Jirin, Laakiin Uu U Shaqaynayey Dawladdii Rayaale Ee Talada Dalka Haysay

Hargeysa, September 1, 2010 (Haatuf) – Maareeyihii hore ee dakada berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor xoor) ayaa ka dhawaajiyey in aanu xisbi gaar ah u shaqaynayn, laakiin uu shaqaynayey dawladii wakhtigaas talada dalka haysay, waxa kala oo uu ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu hayey maamulka dakada, waxa kale oo uu xusay in ay jireen waxyaabo baddan oo uu damacsanaa in uu qabto oo xilka-qaadistiisu ka soo hormartey.

Waxaanu intaas ku daray in uu hada u baahan yahay in uu nasto, maadaama oo uu mudo badan soo shaqaynayey.

Maareeyihii hore ee Dakada Berbera Eng. Cali Xoor xoor waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu xalay wargeyska Haatuf khadka tilifoonka kula yeeshay isaga oo ku sugan magaalada Berbera.

Maareeyihii hore ee dakada Berbera oo ugu horayn ka hadlaya waxyaahii uu ku soo kordhiyey dakada Berbera intii uu maamulayey, waxa uu yidhi “Waxaan ka xusi karaa dhinac yada aanu wax ka qabanay Dhismaheeda, Amaankeeda, nidaamka badeecadu u soo dagto, kor u qaadista tayada shaqaalaha oo aanu tababar badan u qabaney, qalabka lagu shaqaynayo oo aanu qalab badan aanu soo iibsaney iyo magaca dakada iyo sumcadeeda oo aanu kor u qaadney kana dhigney dakada caalami ah”

Eng. Cali Xoor xoor waxa uu intaas ku daray isagoo ka hadlaya qorshihayaashiisa uu damacsanaa in uu ku soo kordhiyo dakada, waxa uu yidhi “Waxaanu qorshaheeda ku jirney in xeryo dibada ah loogu sameeyo koontiinarada, qalabkii lagu qaadi lahaana la keeno si uu cidhiidhigu u yaraado”

Maareeyihii hore mar uu la dardaarmayey masuulkan cusub ee loo soo magacaabay maamulka Dakada, waxa uu yidhi “Maamulka cusub waxaan u soo jeedinayaa in xooga la saaro siday dakadu halka ay maanta joogto ee aanu soo gaadhsiinay halkaa laga sii wada, Dakadu waxay u baahan tahay in aad loo ilaaliyo iyada iyo badeecadaha ka soo dagayaba oo la ilaaliyo dadka ajanabiga ah”

S: Sideed u aragtaa xilka-qaadistaadan, maadaama oo aad mudo dheer xilkan soo haysay, wax dhib ah ma u aragtaa?

J: Anigu dhib uma arko in xilka la iga qaado, meeshanina waa meel qaranka ka dhaxaysa qofku isaga oo waxqabad badan sameeyey ayey iska dhacdaa in xilka laga qaado, waanan ku faraxsanahay in kolba qof lagu tijaabiyo hawlaha qaranka.

S: Waxaad ka mid ahayd masuuliyiintii maamulkii hore ee doorashadii dhacday 26-kii June sanadkan lagaga guuleystey, ma is leedahay halkii ka sii amba qaad taageerqadii aad u haysay UDUB?

J: Anigu xisbi kumaan jirin, laakiin dawladaan u shaqaynayey.

S: Maxaa kuu qorshaysan oo aad isleedahay hada qabo, maadaama aanad hada xil hayn?

J: Waxa hada ii qorshaysan oo aan rabaa in aan nasto, maadaama oo aan mudo badan ummada u soo shaqaynayey, dano yar yar oo aniga ii gaar ahna inaan qabsado waan rabaa, hadii aan jaanis fiican helana in aan wakhtigayga qayb ka mid ah waxbarasho siiyo igama madhna.

S: Waxa la sheegayaa in aad lacag badan ku wareejisay maareeyaha cusub ee dakada, waa imisa lacagta aad wareejisay?

J: Lacagta aan wareejiyey ee aan qaranka ku wareejiyey waa $275,000.

S: Ma rajaynaysaa in xilkan Dakada ee aad mudada dheer haysay in aad mar danbe qabato?

J: May, ma rabo mar danbe in aan shaqadan ku soo noqdo, sababo badan awgood.