Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2445

September 01, 2010                                                                       Ramadan 22,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Wasiirka Khaarajiga Oo Sheegay In Kulankii Rayaale Iyo Males Aanu Ahayn Mid Uu S/land Ku Matalayo Ee Uu Yahay Shaqsi

Hargeysa, September 1, 2010 (Haatuf) - Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa ka hadlay kulanka Magaalada Addis Ababa ku dhex maray Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Raysul Wasaaraha Itoobiya Malez Zanawi.

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo wax laga weydiiyay kulanka Addis ababa ku dhex maray Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Raysul Wasaaraha Itoobiya waxay kala socdaan, waxaanu sidaas ku sheegay wasiirka arimaha dibada Somaliland mar uu shalay waraysi siiyey idaacada VOA-da laanteeda afka somaliga, wuxuu yidhi  “Waxaanu ka maqlay Saxaafadda in Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo xubno ka tirsan xukuumadiisii ay ku sugan yihiin Addis ababa, laakiin arrintaasi waa arrin iyaga u gaar ah haddii ay booqasho ku marayaan Itoobiya. Hawlo xukuumaddan ay kaga wakiil yihiin oo ay u hayaana ma jirto. Laakiin waa muwaadiniin  xor ah oo mari kara dalalka jaarka. Laakiin arrin aanu isku ognahay ma jirto. Anagu  waxaanu rajaynaynaa in Madaxweynihii hore ee Somaliland waa nin masuul ah oo dalkan xil illaa Madaxweyne ka hayay, Waxaanu filaynaa haddii uu fursad u helo inuu masuuliyiin kale oo wadamo aynu jaar nahay ama kuwo kale uu la kulmo inuu kollayba danaha qaranka wax  waxtar u leh kala hadlayo oo ku saabsan sidii loo kobcin lahaa xidhiidhka labada geesood.”

“Waxaan jecelahay inaan halkan ka caddeeyo arrinta ku saabsan xidhiidhka labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya in mad madow soo galay warkaasi wuxuu ka imanayay ilo-wareedyo aan rasmi ahayn, Warkani kama uu soo bixin dawlada Itoobiya iyo Somaliland-ba. Labada dawladoodba arrintan way ka hadleen oo way beeniyeen”

Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo ka jawaabayay su’aal ahayd waxa ka jira in  xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya uu sii xumaanayo, waxa uu yidhi “Waxa jiray  warar qolooyin isku sheegayay inay warbixino ka soo saaraan arrimaha Somaliland iyo Geeska Afrikaba oo meel loogu hagaago iyo cidday yihiin aanay jirin ayaa warkaasi keenay, Warkaasi war jirra ma aha xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya halkiisii iyo meel ka sii wanaagsan ayuu marayaa Waxaanay labada geesoodba diyaar u yihiin inay sii balaadhiyaan xidhiidhkaasi”

Mar Wasiirka arimaha dibada Dr Maxamed C/laahi la weydiiyay in arrinta Kaybalka isgaadhsiinta ee badda hoostiisa la marinayo ay ka dambeeyaan dawlado shisheeye waxaanu isagoo arrintaas ka hadlayayna wuxuu yidhi “Ma jiraan dawlado kale oo ku lug leh arrinta kaybalka isgaadhsiinta badda hoosteeda la marinayo ee Somaliland laga hirgalinayo, ganacsigu sidiisaba waa xor Somaliland waxaanay dawladeenu ku dhaqantaa Ganacsiga suuqa xorta ah, oo Ganacsatadu ay suuqa dhexdiisa ku dhex tartanto, Arrintan kaybalka waxa u taallaa ganacsatada iyo dawlada Somaliland.”