Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2445

September 01, 2010                                                                       Ramadan 22,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Maayarka Berbera Oo Ku Amaanay Maareeyihii Hore Inuu Gaadhsiiyey Dekeda Meel Lagu Xasuusan Doono

“Cali Xoor-Xoor Kumaan Qiimayn Jirin Maareeye-nimada, Balse Waxaan Ku Qiimeyn Jiray Oo Uu Ahaa Nin Mujaahid Ah Oo Somaliland La Soo Halgamay” Maayar Berbera Cabdalla Sandheere

Hargeysa, September 1, 2010 (Haatuf) – Maayarka Magaalada Berbera Md. Cabdalla Maxamed Carab (Cabdalla Sandheere) ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in maareeyihii hore ee dakada Berbera ahaa shaqsi shaqadiisa sida ugu macquulsan u gudan jiray, waxaanu maayarku sheegay in taariikhdu xusi doono wixii uu u qabtey maareeyihii hore Dakada Berbera ee uu masuulka ka ahaa mudada dheer.

Waxa kale oo uu maayar Cabdalla sandheere sheegay in ay wanaagsan tahay in masuulkasta wixii uu qabtey lagu ixtiraamo oo loo qiro.

Waxaanu maayarka magaalada Berbera sidaas ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf waraysi khaas ah ku siiyey khadka tilifoonka, isagoo ku sugan xarunta gobolka Saaxil ee Berbera.

Waxa kale oo uu Guddoomiyaha golaha deegaanka Berbera ka dhawaajiyey in uu maareeyihii hore ee dakada Berbera, uu ahaa nin uu ku qiimayn jiray dadaalo badan oo ummada Somaliland u sameeyey intii uu ahaa maareeyaha dakada Berbera iyo ka horba, waxa kale oo uu maayarku shaaca ka qaaday qadarka lacagta uu wareejiyey Cali Xoor xoor, waxaanu ku sheegay lacagtaasi inay tahay $275,000.

Md Cabdalla Ugu horayna isaga oo ka hadlay maareeyihii hore ee dakada Berbera ee xilka isagu shalay wareejiyey waxa uu yidhi “Anigu Cali Xoor xoor kumaan qiimayn jirin Maareeye-nimada, balse waxaan anigu ku qiimeyn jiray inuu ahaa nin Mujaahid ah oo Somaliland la soo halgamay oo xiligii dalka la soo galay inaga oo aan waxba haynin ku dadaali jiray in ay ummada Somaliland Ishaa yar ee dalku leeyahay u dhaqaajiyo si ay u noqoto meel hanaqaada oo dalka waxtar wayn u yeelata, waxa kale oo aan ku ixtiraamayaa doorkii shaqsi ahaan uu ka soo qaatay halgankii qadhaadhaa ee aynu dalka ku horaynay, sida uu ummada ugu shaqaynayo waxa dhici jirtey in mar marka qaar naftiisu khatar gali jirtey, waayo wadooyinka oo dhan ayaa xidhnaa Il-dhaqaale oo kalena may jirin dalka wakhtigaas”

Maayar Cabdalla mar uu ka hadlayey aqoonta uu  u lahaa maareeyihii hore ee Dakada Berbera Eng. Cali Xoor xoor, waxa uu yidhi “Maareeyihii hore ee la badalay waxaan odhan karaa wuxuu ahaa qof masuuliyadiisa shaqo sidii ugu meeqaamka saraysay uga soo baxa, oo waxaaban odhan karaa wuxuu ahaa shaqsiyaadkii qarankan Somaliland dhidibada u taagay. Maareeyihii hore Cali wuxuu taariikhda ku gali doonaa inaga oo aan ciidan qaran lahayd oo aanu xataa cid nafsadiisa ilaalisa ayuu maamulayey Dakada qudha ee aynu ku wada noolayn”

Maayarka Berbera Md Cabdalla Isagoo hadalka sii wata waxa uu intaas ku daray “Qofka hadii kartidiisa shaqo laga xaasido oo la sheegi waayo Ilaahay inagana wuxuu inagu  sababayaa cid inaga xaasida kartideena shaqo, markii aynu dalka soo galney dakada Berbera siday ahayd waynu wada ognahay oo taas waxba kaga noqon maayo, maantana Dakadu waa Digital oo aad ayaa loo casriyeeyey”

S: Waxa dhacday markii wasiirka cusub ee Kaluumaysiga iyo Maamulka Dakadaha uu kormeerkii ugu horeeyey ku tagay Dakada Berbera in uu qiray waxa u qabsoomay dakada, sided u aragtaa arintaas?

J: Marka Ilaahay laga cabsanayo, wax aad u wayn inuu qabtey waa in la sheegaa, maalintii Cali Xoor xoor loo magacaabay maamulka Dakada Berbera, wax kale iska daayoo waxaan oolin Teebka wax lagu garaacdo, taas macnaheedu maaha dhamaan wixii la rabay wuu qabtey, laakiin, waxa uu xataa wax wayn ka taray xaga maamulka iyo tababarka shaqaalaha, waxa hubaal ah oo marag ma doon ah  in uu Dakada Berbera u qabtey wax ay taariikhdu xusi doonto oo lagu xasuusto.

S: Hadii uu maareeyihii hore lahaa kartidaa shaqo ee aad ka dhawaajisay, ma is leedahay badalaadiisu waxay ahayd talaabo ay xukuumada Axmed Siilaanyo ku dagdagtey?

J: Masuulka xilka hayaa isaga oo aan waxba xumayn oo wax badan qabtey ayaa la badali karaa, dhaliilna laguma badalin, qofkasta oo muwaadin ahina in uu xil qabto waa mid uu xaq u leeyahay oo adiga oo shaqadaad si wanaagsan u gutey ayaa lagu badali karaa, ka hadli maayo in lagu dagdagay iyo in kale, waayo waa iska sune xilku oo waa shaqo ummada ka dhaxaysa, kartidaas uu shaqadiisa u lahaa iyo amaantaas aan u soo jeediyeyna maaha mid aan anigu la jeclaaday ee waa mid uu muteystey.

S: Maadaama oo ay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ay qireen in uu wax wayn ka qabtey maamulka dakada, waxa hoosta laga xariiqayaa oo loo aanaynayaa xilqaadistiisa talaabooyin uu qaaday wakhtigii ololaha lagu jiray oo uu garab wayn siiyey xisbigii laga guuleystey ee UDUB, maxa ka jiran arintaas?

J: Qofka muwaadinka ah ee xil hayaa waxa uu ku khasban yahay in uu kolba xukuumadii jirta la shaqeeyo oo uu la jaanqaado, Eng. Cali Xoor xoor wuxuu ahaa nin ku wanaagsan shaqadiisa, hadii uu Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin la shaqaynayey iyo hadii uu la shaqeynayey xukuumadii Rayaale wuxuu ahaa qof u daacad ah hadba dawlada jirta, waxaanu ahaa masuul hawshii loo igmado sida ugu macquulsan uga soo bixi jiray, laakiin kolay marka qof xil laga qaado dareenadaas loogu aanaynayo in uu xukuumadii hore si wanaagsan ula shaqayn jiray way jiraan. Waxaan u iftiiminayaa ummada Somaliland in ninka shaqaalaha ahi aanu xisbina ahayn, maanta markii uu xilka wareejinayey Cali wuxuu shaqaalaha ka codsaday in sidii ay ula shaqayn jireen isaga ay ula shaqeeyaan dawlada cusub Axmed Siilaanyo iyo maareeyaha cusuba.

S: Xafladii xil wareejinta ee shalay ay labada masuul kula kala wareegayeen maamulka Dakada Berbera, munaasibad caynkee ah ayey ahayd, wax lacago ahse ma lala kala wareegey?

J: Maareeyihii hore ee xilka wareejiyey Eng. Cali Xoor xoor iyo maareeyihii xilka kala wareegayeyba waxa ay xilkii ula kala wareegeen si aad u quruxbadan oo niyad sami ah, hadaan ka hadlo qadarka lacagta uu wareejiyey maareeyihii hore ee Dakada Berbera waxay ahayd $275,000, walina lama arag intii xilal lala kala wareegeyey masuul lacagta qadarkaas leeg u soo xareeya dawlada.