|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2445 |
September 01, 2010 Ramadan 22,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Shirkadda Dahabshiil Oo Tabobar U Soo Xidhay 15 Ka Mid Ah Shaqaaleheeda Hargeysa, September 1, 2010 (Haatuf) - Shirkadda Xawilaadda iyo Sarrifka lacagaha ee Dahabshiil ayaa 15 ka mid ah shaqaalaheeda u soo xidhay tabobbar ku saabsan kor-u-qaadidda aqoonta shaqaaleha waaxda sarrifka lacagaha ee shirkadda oo muddo laba maalmood ah uga socday Xarunta shirkadda ee magaalada Hargeysa. Tabobarkan oo ay ujeeddooyinkiisa ka mid ahayd barashada ka-ganacsiga sarrifka lacagaha iyo sidii ay shaqaalaha waaxdan ka hawl-galaa isku-xidh shaqadooda la xidhiidha u yeelan lahaayeen, ayaa waxa ka soo qayb-galay shaqaalaha shirkadda ee ka hawl-gala laamaha kala duwan ee ay shirkaddu ku leedahay dhulalka ay ka shaqayso. Intii tabobarkani socday, waxay ka-qayb-galayaashu kaga doodeen sida ugu habboon ee ay macaamiisha shirkadda ugu fidin karaan adeeg xalaal ah oo waafaqsan diinteenna iyo dhaqanka suubban, iyadoo muddadii uu socday lagu lafo-guray siyaabaha kala geddisan ee ganacsi hufan looga dhalin karo adeegga sarrifka lacagaha. Agaasimaha kobcinta iyo horumarinta sarrifka iyo xawaaladda, Md. Aadan Xasan Jaamac oo ka hadlaya ujeeddooyinka ay tabobarkan u sameeyeen, waxa uu yidhi: “Ujeeddada aanu ka leennahay tababarkan waxa weeyi; inaannu sare u qaadno aqoonta dadka sarrifka ka shaqeeya, si ay uga midho-dhaliyaan, iyo si ay adeeg sax ah oo wanaagsan u siiyaan dadka macmiisha ah ee noo yimaadda.” “In qofka la tuso inuu dad intan ka balaadhan ka mid yahay oo wixii uu u baahdo haddii ay aqoon tahay, haday sarifka laftigiisa tahay, haddii ay tahay lacagaha meeshi uu geyn lahaa ee uu ka sii iibin lahaa in lagu xidho Network isaga ka sii balaadhan oo wixii la cilmiyeeyo.” ayuu yidhi Agaasimaha kobcinta iyo horumarinta Xawaaladuhu. Gebegebadii tabobarkanna, waxa ka-qayb-galayaashii casharradan la guddoonsiiyay shahaadooyin ka turjumaya aqoontii ay ka kasbeen muddadii tabobarka ee labada maalmood ahayd, iyada oo loo rajeeyay inay aqoonta ay barteen deraasaadna ku samayn doonaan, xidhiidhkooduna aanuu halkuu manta marayo ku ekaannin. Shirkadda Dahabshiil oo macaamiisheeda u fidisa adeegyada; Xawilaadda lacagaha, sarrifka lacagaha, Baanka, iyo qaybaha kale ee Isgaadhsiinta, waxa la aasaasay ku-sinnaan 1970-kii. Waxay ka shaqaysaa 144 dal oo ku kala yaalla dacallada adduunka. Sidoo kale, waxa shirkadda ka hawl-gala shaqaale ka badan 2000 iyo wakiillo gaadhaya 24,000 oo kala jooga daafaha dunida, taas oo Dahabshiil ka dhigaysa hay’adda ugu shaqo-abuurista badan dhulalka Soomaalida. Horumarka ay shirkaddu gaadhay iyo heerka ay maanta marayso waxa suurto-geliyay nidaam-dhaqameedka ay shirkaddu leedahay oo ujeeddadiisu tahay in macaamiishu hesho adeegyo tayadoodu mar kasta aad u sarrayso. Shaqaalaha xulka ah ee shirkadda oo ka soo kala jeeda bulshada shirkaddu u adeegto ayaa sidoo kale suurto-geliyay in nidaamka ganacsiga shirkaddu noqdo mid dhiirri-geliya in si joogto ah kor loogu qaado adeegyada macaamiisha. Si taas la mid ah, Shirkadda Dahabshiil bulshada ay u adeegto u fulisaa maal-gelin iyo caawimooyin joogto ah, iyada oo ka qayb-qaadata badiba mashaariicda samo-falka ee dalka gudihiisa iyo debeddiisaba. Si kastaba ha ahaatee, maaha markii ugu horreysay ee ay shirkadda Dahabshiil hirgeliso tabobarro ay sare ugu qaadayso aqoonta shaqaaleheeda, wuxuu se tabobarkani ka mid noqonayaa aqoon-kordhinta joogtada ah ee ay shirkaddu u fidiso shaqaaleheeda. |