|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2445 |
September 01, 2010 Ramadan 22,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Maareeyaha Cusub Ee Wakaalada Biyaha Hargeysa Oo Xilkii Kala Wareegay Maareeyihii Hore Hargeysa, September 1, 2010 (Haatuf)-Maareeyaha Cusub ee Wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad ayaa xilkii kala wareegay Maareeyihii hore ee wakaalda Khaliif C/laahi Xuseen munaasibada ay xilka kula kala wareegayeen labadan masuul oo ka dhacday xarunta Wakaalada biyaha ee Hargaysa, ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Badhasaabka gobolka Gobalka Hargyesa Axmed Cumar C/laahi (Xamarje). Maayir ku xigeenka Hargaysa Maxamed C/laahi Uur Cadde, Agaasimaha guud ee wasaarada Macdanta iyo biyaha Axmed Ibraahim Suldaan iyo saraakiil ka tirsan hay’ada African 70, oo dhinaca biyaha ka caawisa Wasaarada Macdanta iyo biyaha Somaliland, shaqaalaha Wakaalada biyaha iyo marti sharaf kale. Agaasimaha waaxda iibka ee wakaalada biyaha Xasan Maxamed Bul-bul oo ugu horayn munaasiabadaasi hadal ka jeediyay ayaa si aad ah ugu mahad naqay Maareeyihii hore ee wakalaada biyaha Eng. Khaliif C/laahi, oo ku sheegay in uu ahaa shakhsi shaqadiisa ka adag, isla markaana aanay shaqaalaha wakaalada aanu dib uga dhici jirin mushaharkoodu oo aanay bilna bisha kale gaadhi jirin, isaga oo xusay in aanu marna ka maqnaan jirin xafiiskiisa oo uu ahaa mid markasta joogto ku ahaan jiray xafiiska ,waxa kale oo uu intaasi raaciyay Eng. khaliif uu si aad ah ugu dadaali jiray sidii ay caasimadu u heli lahayd mustaqbalka biyo ku filan. waxa kale oo isna munaasiabadan xilwareejinta hadal ka jeediyay Agaasimaha guud ee wasaarada Macanta iyo biyaha Axmed Ibraahim Suldaan isagu amaan balaadhan u soo jeediyay Maareeyihii hore ee wakaalada biyaha Eng khaliif C/laahi, waxaanu sheegay in muddo afar sano ah ay soo wada shaqeeyeen, waxyaabaha u ka xasuusta ay ka mid ahayd sidii magaalada Hargaysa biyaha loo wada gaadhsiin lahaa. waxa kale oo uu intaasi raaciyay in ay jiraan duruufo aan la iska indho tiri Karin, kuwasi oo sabab u ah in aan biyaha la wada gaadhsiin karin caasimada Hargaysa, iyada oo ay jiraan ayuu yidhi meelo dhul dheer ah oo ay adag tahay in si fudud biyaha loo geliyo, isaga oo xusay in hay’ada African 70-, iyo wasaarad macdanta iyo biyaha Somaliland daraasada ah sidii caasimada Hargaysa ay mustaqbalka biyaha loo wada gaadhsiin lahaa. Geba-gebadii munaasibadan ay xilalka lagula kala wareegayay labadan masuul. ayaa waxa hadal dhinacyo badan taabaneyey ka jeediyay maareeyeihi hore Wakaalada biyaha Eng. Khaliif C/llaahi waxanu ka waramay baahiyaha kala duwan ee biyo yaraantu ku hayso caasimada Hargaysa iyo sidii markasta loogu dadaali lahaa in ay caasimadu hesho biyo ku filan, isaga oo xusay in muddadii uu wakaalada biyaha u joogay mudo 4-sano oo ay wax weyni u qabsoomen wakaalada wax caqabad ahina aan ka hor iman, isaga oo xusay in maareeyahan cusubi uu isaga ka nasiib badan yahay,oo 4-sano wakaaladu ay ahayd mid aad u adag, isla markaana lagu wareejiyay dayn aad u fara badan oo ay ilaa hada bixiyaan, balse aanu maanta isagu wax dayn ah wareejinayaynin ,isaga oo u mahad naqay shaqaalihii ay soo wada shaqayn jireen oo intii uu joogay ay si fiican ula soo shaqeyeen. Maareeyaha cusub ee Wakaalada Biyaha ayaa isaguna sheegay in uu halkaa ka si wadi doono hawshii uu hayay maareeyihii hore, waxanu Ilaahay ka baryay in xilkan culus ee uu qaaday Ilaahay u fududeeyo. |