|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2445 |
September 01, 2010 Ramadan 22,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Francisco Varallo Oo Ahab Ciyaartoyga Kasii Nool Ciyaartoydii Saftay Finalkii Koobka Aduunka Ee 1930-Kii Oo Geeriyooday Ciyaartoygii ugu danbeeyey ee ka noolaa xidigihii ka qeybgalay koobkii aduunka ee ugu horeeyey ee laqabtay sanadii 1930-kii ayaa ku geeriyooday dalkaasa hooyo ee Argentina isaga oo jira 100 sano. Ninkan oo lagu magacaabol Francisco Varallo, ayaa u ciyaaray xulka qaranka dalka Argentina kulankii finalka ahaa ee ay magaalada Montevideo ee xarunta Urugauy kula ciyaareen xulka Uruguay sanadkii 1930kii.Laacibkan geeriyooday ayaa waxa xiligaasi kooxdiisa Argentina lagaga badiyey 4-2 ay guusha ku raacday Uruguay oo ahaa marti galiyayaashii ciyaarhaa aduunka ee sanadkaa.Mr Varallo waxa uu u dhaliyey 194 gool kooxdiisii uu ku caanbaxay ee Boca Juniors, waxa uu ahaa ninka ugu goolasha badan kooxda ee soo mara hase yeeshee waxa sanadkan rikoodhkaasi jebiyey weeraryahanka kooxda ee hada u safta Martin Palermo.Varallo waxa lagu naaneysi jiray "Canoncito" oo micnaheedu yahay (Taangiga Yar) waxana dadka reer Argentina ay magacaasi ugu bixiyeen sida xoogan ee kuba u laagi jiray marka uu ciyaarayo kubada.Wareysi ay dhawaan la yeelatay boga internetka ee FIFA isaga oo u dabaal dagayey sanad guurada 100-aad ee dhalashadiisa sanadkan, ayuu Varallo sheegay in waqtigii ugu murugada badnaa ay ay aheyd guuldaradii kasoo gaadhay Uruguay finalkii koobka aduunka ee sanadi1930kii."Aniga oo aad u wada xitriraamayo dhamaan ciyaaryahanadii xulkeyga, may aheyn kuwo soo bandhigay ciyaar qaldan, waan ooyay maalintaas, xitaa hada waan cadhoodaa marka aan dib usoo xasuusto." sidaasi ayuu yidhi Varallo oo weerarka ka ciyaari jiray mar la wareystay ka hor dhimashadiisa.Varallo ayaa kaga fadhiistay ciyaaraha isaga oo jira 30 sano, waxana xiligaa dhibay oo hadheeyey dhaawacyo, kala duwan waxa markii danbe uu noqday tababaraha kooxda Juunuarka Boca Junior, sidoo kale waxa uu tababare usoo naqday kooxda Gimnasia. |