Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2446

September 02, 2010                                                                       Ramadan 23,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

UDHIS Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay In Uu Ka Dhabeeyo Balanqaadyadii Uu Galay Xiligii Olalaha Doorashada

Hargeysa, September 2, 2010 (Haatuf) - Urursiyaasadeedka UDHIS ayaa markii ka hadlay mawqifkooda ku wajahan  muddo dhaafka  doorashada golayaasha deeganka  kuwas oo la  sheegeen in loo baahan yahay in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto ,Waxa kale oo ay sheegeen in ay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ka rajaynayaan sii ambo qaadka geedi socodka dimuqraadiyada isla markaana ay waxa  ugu baqeen in la   furo habka xisbiyada badan oo uu wakhtiyadii ololaha doorashada balan qaaday.Sidaasna waxa ay ku sheegeen warsaxaafadeed kooban oo ay  ka soo saareen Xasiiskooda Magaalada Hargeysa . Warsaxaafadeedkan oo uu saxaafada u u akhriyay Yaasiin Maxamed Ismaaciil oo ay  ,  oo ay ku wahaelinayeen  xildhibaan Maxamed Maxamuud Cumar Xaashi, Siciid Xaaji Axmed Qulumbe iyo Cali Ismaaciil Maxamed ayaa waxa uu u dhignaa sedanUrurka Dimuqraatiga iyo Horumarinta Isbedel-doonka Somaliland (UDHIS), wuxuu Warsaxaafadeedkan soo baxay maanta oo taariikhdu tahay 1dii September 2010, ujeedadiisu tahay in Ururku ku iclaamiyo mawqifkiisa ku waajihan arinta la xidhiidha Qabashada Doorashooyinka Deegaanka, Kuwa Wakiilada Parliament-ka iyo Tashiga la xidhiidha cida iyo sida looga qayb geli doono beretanka doorashooyinkaas.Iyadoo URURKu ka war qabo shirar iyo wada-tashiyo aan loo dhamayn oo maalmahan ugu danbeeyay lagu falanqaynaayay arimahaas.Anagoo arimahaa tix-raacaynana waxaanu ugu horayn tahniyad iyo bogaadin u diraynaa shacbiga Somaliland, Komishanka qaranka iyo dhamaan sadexdii Xisbi Qaran ee ka qayb galay doorashooyinkii ka dhacay Somaliland. Siiba Doorashadii Madaxwaynaha ee 26kii June. Taas oo ahayd guul taariikhi ah, dadkana tustay inay codkooda ku kasban karaan isbede Waxa sidoo kale bogaadin mudan Xisbiga Kulmiye iyo hogaamiyihiisa Madaxwaynaha cusub, Muj. Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo isagu ku guulaystay doorashadaas, anaguna dhinacayaga aanu Illaahay uga baryayno inuu la qabto hawsha culus ee loo doortay.Hase yeeshee, Waxaanu rajaynaynaa una hanqal taagaynaa in Maamulka Madaxwayne Siilaanyo noqon doono mid sii horumariya Dimuqraadiyada ka hirgashay Somaliland, taas oo Somaliland kaga kasbatay maamuus bulsho-weynta caalamka. Isla markaana uu u horseedi doono dalka Somaliland geedi cusub oo lagu gaadho Hab-Dimuqraadiyadeedka ku dhisan Xisbiyada Badan – (Multi-party Political System)Intaa ka dib, Urur-Siyaasadeedka UDHIS, isagoo ka shidaal qaadanayna mabaadiida saldhiga u ah hadafyadiisa siyaasadeed, Sida Ilaalinta xornimada aassaasiga ah ee shaqsiga, Xoriyada saxaafada madaxa banaan, xori-yatul-qawlka iyo xoriyada siyaasi ee qofeed iyo tan wadareed. Ku dhaqanka habka Dimuqraadiga ku dhisan Xisbiyada badan iyo xaqqa Muwaadin kastaa u leeyahay in la doorto waxna dooran karo. Hirgelinta nidaam Hab-dhaqan-dhaqaale furfuran, Ganacsiga Xorta ah iyo suuq xor ah. Kaas oo ka reeban Eex, Qaraabo-kiil, Garab-gorayayn Aanaaniyayad iyo Gooni-daajis Ama (monopoly) lagu dulmiyo danyarta jeebka yar. Dhawrista Xuquuqda Danlayda iyo ururada bulshadu u leeyihiin inay samaystaan Ururo Shaqaale (Trade Unions) kuwaas oo danahooda horumarisa. Sida Maxaysatada, Muruqmaalka, Reer Miyiga, Beeralayda, Xoolo-dhaqatada iyo kuwa wax-soo-saara iwm.URUR-siyaasadeedka UDHIS isagoo ka turjumaaya mabaa’diida kor ku xusan, wuxuu ku talinayaa Sidan:

 In Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo kuwa Wakiilada ee inagusoo fool leh loo kala horaysiiyo sida ay u kala muhiimsan yihiin, ado la eegayo baahida shacbigu u qabo.   Sababo Sharci iyo kuwo duruufeed dartoodna aanu aaminsanay in Doorashada Deegaanka lasoo hor mariyo, maadaama loo baahanyay Dimuqraadiyad kasoo unkanta hoosta (Grass-root level democracy).

In la qabyo tiro lana horumariyo hanaanka Dimuqraadiyadeed ee Somaliland higsanayso, lana furo Nidaamka Xisbiyada badan si tartan xalaal ah loo helo. In Xisbiga Kulmiye oo hore u balanqaaday inuu furaayo nidaamka xisbiyada badan, dadkuna ugu riyaaqeen arintaas, isla markaana la odhan karo waxay qayb ka tahay waxyaalii keenay guusha taariikhiga ah ee shacbigu ku doortay Siilaanyo, haatan looga fadhiyo hirgelinta balan-qaadyadaas si geesinimo leh.  In la dar-dar geliyo, gudiyo hawl-kar ahna loo xilsaaro hawlaha dib-u habaynta shuruucda ku saabsan Doorashooyinka iyo ururo-bulsheedka ka qayb geli doono doorashooyinka soo socda, si waafaqsan Distuurkana looga baaraan dego.   In Maadaama la gelaayo waji cusub oo siyaasadeed la balaadhiyo wada tashiga marka laga hadlaayo arimaha xaasaasiga ah quseeya qaranka guud ahaan oo aan wada-tashiga lagu koobin xisbiyadii hore u jiray oo kali ah. Waayo? Sadexda Xisbi Qaran oo laftoodu dano siyaasadeed lihi kama garsoori karaan gar-naqsi ay gar-doon ka yihiin.

Wa Billaahi Tawfiiq

 Ururka Dimuqraadiga iyo Horumarinta Isbedel-doonka Somaliland – (UDHIS)