Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2446

September 02, 2010                                                                       Ramadan 23,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Obama Oo La Kulmay Hogaamiyaasha Bariga Dhexe

Washington, September 2, 2010 (W.Wararka) - Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa magaalada Washington ku qaabilaya hogaamiyaasha Falastiin, Israil, Masar iyo Jordan, kaas oo si gooni gooni ah ula kulmay.

Barack Obama ayaa kulankiisii ugu horeeyey la yeeshay Raysawasaaraha Israil Benjamin Netenyahu, kulankaasi oo ka dhacay Aqalka cad ayey labada hogaamiye uga wadahadleen dar dar gelinta wadahadalada nabada Bariga Dhexe iyo qorshaha Obama ee ku saabsan dhex dhexaadinta Falastiiniyiinta iyo Israil.

Barack Obama ayaa kulankii uu la yeeshay Netenyahu kadib war kooban oo uu siiyey saxaafada ku sheegay in Maraykanka uu mar walba si buuxda u taageersan yahay sugida iyo adkeynta Amaanka Israil.

Obama ayaa lagu wadaa kulankan ka dib inuu si gaar ah ulla kulmo ayaguna Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, Madaxweynaha Masar Xusni Mubarak iyo Boqorka dalka Urdun ee Abdallah.

Caawa oo Arbaco ah ayay dhamaan hogaamiyaashan kawada qeyb geli doonaan casho uu soo diyaariyey Obama, halkaasi oo lagu wado inay khudbado kasoo jeediyaan hogaamiyaashan ku sugan Washington DC.

Maalinimada beri ah oo ku beegan Khamiis ayey kulankii ugu horeeyey oo fool ka fool ah magaalada Washington uga furmidoonaa hogaamiyaasha Falastiin iyo Israil. Kulankaasi ayaa ka dhici doona xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ee magaalada Washington.

Maalinimadii shalay ayey labada hogaamye ee Maxamuud Cabaas iyo Netenyahu ku kulmeen xafiiska Xoghayaha arrimaha Dibada ee Maraykanka Hillary Clinton, ayadoo kulankaasi dhabada loogu jeexayey wadahadalka maalinta khamiista ah u bilaabi doona labada dhinac.

Barack Obama ayaa muddo 1 sano ah u qabtay in heshiis dhaxal gal ah ay wada galaan Falastiiniyiinta iyo Israil, xiligaasi oo uu soo jeediyey Wakiilka Maraykanka u qaabilsan Arrimaha Bariga dhexe ee Mr.George Mitchell.

Wadahadalkii tooska ahaa ee u dhaxeeyey Falastiin iyo maamulka Israil ayaa burburay sanadkii 2008dii kadib markii ay ciidamada Israil ay qabsadeen Marinka Gaza.