|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2446 |
September 02, 2010 Ramadan 23,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Robinho Oo Si Sirasmi Ah Ugu Biray AC Milan Iyo Borriello Iyo Huntelaar Oo Ka Huleelay San Siro Weeraryahanki kooxda Manchester City ee Robinho ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda AC Milan kadib markii uu saxeexay heshiis afar sano ah, halka weeraryahanada kooxda Milan ee kala ah Marco Borriello iyo Klaas-Jan Huntelaar ay kooxda isaga tageen. Laacibka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa maray tijaabada caafimaadka isaga oo magaalada Milan la yimid agaasimaha guud ee Milan Adriano Galliani oo ka danbeeyey heshiiska uu ku yidid Robinho oo aan wali la shaacinin qiimaha ay Milan kusoo iibsatay. Robinho oo ah 26 jir ayaa noqday sanadkii 2008 ciyaaryahankii ugu qalisanaa oo ay koox Ingiriisi soo iibsato kadib markii ay Manchester City kaga soo iibsatay kooxda Real Madrid aduun dhan £32.5milyan oo Gini, xiligaas waxa uu ahaa ciyaaryahankii ugu caansanaa ee la iibsado suuqa ciyaartoyda, xiligana waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu caansanaa ee la iibsado ka hor inta aanu xidhmin suuqa kala iibsiga ciyaartooyda Yurub. Laacibkii hore ee kooxaha Santos iyo Real Madrid ayaa la qabsan waayey kooxda Manchester City, waxana xilli ciyaareedkii hore la amaahiyey kooxdiisii hore si uu fursad ugu helo in loo qaato xulka Brazil ciyaarihi aduunka ee 2010-ka lagu qabtay dalka South Africa. Todobaadki hore Robinho, wuxu diiday dalab uga yimid kooxda Fenerbahce ee dalka Turkiga, waxaae uu hada la midoobayaa saaxibadiisa ay isku wadanka yihiin ee kala Ronaldinho iyo Alexandre Pato, waxa kale oo uu ka garab ciyaari doonaa laacibka cusub ee Milan Zalatan Ibrahimovic oo laba maalmood ka hor isna ku biiray Milan. Dhinaca kale kooxda Milan ayaa iska iibisay weeraryahankeeda u dhashay dalka Holland Klaas-Jan Huntelaar kaasoo ku biiray kooxda Schalke 04 ee dalka Germany, halka weeraryahanka kale ee Marco Borriello ay amaahisay kooxda Roma. |