|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2446 |
September 02, 2010 Ramadan 23,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Paulo Ferreira Oo Ka Fadhiistay Ciyaaraha Caalamiga Ah Ciyaaryahanka difaaca uga ciyaara kooxda Chelsea Paulo Ferreira ayaa ku dhawaaqay in uu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah taasoo macnaheedu uu noqonayo in aanu dib ugu ciyaari doonin xulka qaranka ee Portugal oo uu kasoo jeedo. Laacibkan 31 jirka ah ayaa u sheegay xidhiidhka kubada cakta dalka Portugal in uu uga tagay xulka sababo shaqsiyadeed kadib markii uu si qota dheer uga fakiray sida uu hadalka u dhigay. Ferreira oo ka ciyaara dhinaca midig ee difaaca ayaa u saftay xulka Portugal 62 kulan isaga oo kulankiisi ugu horeysay u ciyaaray bishi September sanadkii 2002 xiligaas oo ay la ciyaareen xulka England. Go,aank difaacan ayaa kusoo beegmay xilli todobaadkii hore uu isna ku dhawaaqay in uu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah laacibka khadka dhexe ee xulka Portugal iyo kooxda Atletico Madrid Simao. Ferreira ayaa ku biiray kooxda ku ciyaarta garoonka Stamford Bridge ee Chelsea sanadkii 2004 markaas oo uu kooxda la yimid macalinka reer Portugal ee ee Jose Mourinho, iyaga oo kasoo wada dhaqaaqay kooxda Porto. waxa uu xiligaasi noqday difaaci ugu qaalisanaa ee taga dalka Ingiriiska waxana Chelsea ay ku iibsatay lacag dhan £13.2milyan. Wixii intaa ka danbeeyey Ferreira waxa uu noqday ciyaartooyda muhiimka ah ee Chelsea, waxana uu ka mid ahaa ciyaaryahanadi Chelsea u qaaday horyaalki ugu horeeyey ee dalka Ingiriiska mudo 50 sano ah kadib bishi March ee sanadkii 2005. |