|
Home | Contact Us | Links | Archives |
|
ISSUE 2446 |
September 02, 2010 Ramadan 23,1431H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Maareeyaha Cusub Ee Hay’ada Wadooyinka Oo Xilkii la Wareegay Hargeysa, September, 2, 2010 (Haatuf) - Maareeyihii hore ee hay’ada wadooyinka Somaliland Maxamed C/laahi Faahiye ayaa si rasmi xilkii ugu wareejiyay Mareeyaha cusub ee Ha’yadaas C/waaxid C/qaadir C/raxmaan. Xafladan ay labada masuul xilalka kula wareegayeen oo ka dhacday xarunta hay’ada wadooyinka ee magaalada Hargeysa waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada Hawlaha guud iyo gaadiidka Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Ganacsiga C/risaaq Khaliif . Ugu horeyn wasiirka wasaarada Maaliyada Egn. Maxamed Xaashi Cilmi oo halkaas ka hadlay ayaa waxa u yidhi “Si guud haddii aan uga hadlo mashaariicda hada inoo socota, dariiqyadu waa laf dhabarta koboca dhaqaalaha dalka, magaalada Ceergaabo waxa inaga xidhay dariiqaa aan dhisnayn, ganacsigooduna badanaa waxa uu xidhiidh la leeyahay Somalia, haddii loo guntadana waa dariiq samayntiisa la dhamayn karo, gobolkaasina intii loo hiloobayayba wuu leeyahay, markaa maanta waxa inaga gooyay waxa weeyaan dariiqaas aan samaynayn” ayuu yidhi wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi. Wasiirka maalyada ayaa dhinaca kale cadeeyay in waxa keliya ee lagu horumarin karo dalkeena waliba dekedu ay tahay iyada oo dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia oo aanay lahayn deked loo sameeyo dariiqyo badan, kuwaas oo sahli karaya in uu ganacsi xoog lehi ina dhex maro “Ethiopia waa meesha aynu ku hamiyayno in ay dekedeena ay isu furnaadaan, dekedeenana aynu horumaru marino waayo iyagu bad xidhan bay ku jiraan, hadaba waxa lagu gaadhi karo dariiqyada ayaa ka mid ah” Eng. Maxamed Xaashi Cilmi waxa kale oo uu tilmaamay in miisaaniyada dawlada lagu daro doono hay’adan wixii suurtogal ah “Waxa uu soo jeediyay maareeyaha cusub in hay’adan Miisaaniyada dalka qayb loogu daro, anigu waxan qabaa in wax loogu daro, wixii suurto gal ahna waxa la inooga baahan yahay in aynu xisaabta ku darsano, waayo waxa ay soo saarayaan ayaa ka badan waxa la siinayo, waxa aynu u baahanahay in aynu qalabkii lagaga shaqayn lahaa dariiqyada yeelano oo soo iibsano” ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Dr.Maxamed Cabdi Gaboose oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu marka hore soo dhaweynayo Mareeyaha cusub ee Hay’ada wadooyinkii, isla markaana u ducaynayo in uu ilaahay u fududeeyo xilka culus ee uu tunka u ritay kii hore ugu hambalyaynayo mudadii uu xilka hayay wixii uu soo qabtay “Anigu Cabdi Waaxidoow kuu hambalyaynmaayo ee waan kuu ducaynayaa, waayo hawsha ku hortaalaa way ii muuqataa, anaguna waxa aanu ku jirna guddida kula hawl gali doonta, waxa aad Nasiibna waxaad ku leedahay weelkii lacagtu ku jirtay ayaa guddida lagugu doortay waxbana waayi maysid. Waliba waxa aan kaaga sii farxinayaa Wasiirka Maaliyadu waa nin hadal gaaban oo hore waxba ugama soo dhacaan, laakiin waxa ka soo dhacday lacag badan, kolaa waxa aan kuu rajaynayaa in uu ilaahay kugu garab galo hawsha balaadhan ee aad dusha u ridatay. Kaabayasha dhaqaalaha ee ugu waaweyn weeyaan waayo ninkii beer lihi haddii aanu haysan meel uu soo mariyo wixii uu beertiisa ka soo goostay beertii way xanibmaysa a” ayuu yidhi wasiirka wasaarada arrimahag gudaha Waxa isna gabogabadii xaflada ka hadlay wasiirka wasaarada Hawlaha guud iyo gaadiidka. Xuseen Axmed Caydiid, waxaanu wasiirka wasaarada maaliyada ka codsaday in cashuurta laga qaado gaadiidka lagu shubo hay’ada wadooyinka si buu yidhi wax looga qabto baahiyaha dhinaca jidadka. Waxa kale oo uu wasiirku tilmaamay in wasaarada loo dhiibay ee hawlaha guud ay tahay mid naafo ah oo aanay hada gacanta ugu jirin gaadiidkii iyo hantidii ma guurtada ahayd. Wasiirka ayaa tilmaamay in isha keliya ee ilaa hada u dhaqdhaqaaqaysa wasaaradiisu ay tahay hay’ada wadooyinka “Wasaaradayadani waa naafo, ilaa hadana waxa aan gacmaha ugu jirin dhulkii iyo gaadiidkii, laakiin meesha keliya ee noo dhaqdhaqaaysaa waa ha’ada wadooyinka, waxaanan codsan lahaa lacagta laga qaado gaadiidka si toos ah ugu soo dhacdo hay’adan si wax looga qabto wadooyinka” ayuu yidhi wasiirka wasaarada hawlaha guud. Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay maariyihii hore oo sheegay in ay waxyaabo badan u soo qabsoomeen isla markaana uu la shaqayn doono maareeyaha cusub. Maareeyaha cusub ayaa isna tilmaamay in uu inta karaankiisa ah wax ka qaban doono wadooyinka, waxaanu shaqaalaha ka codsaday in ay ula shaqeeyaan sidii ay ula shaqayn lahaayen maariyihii hore. |