Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

 ISSUE 2447

September 03, 2010                                                                       Ramadan 24,1431H     

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 

Ganacsiga Boorama Iyo Wajaale Oo Hakad-galay Kadib Markii Hoos U Dhac Ku Yimid Qiimaha Birta Itoobiya

Boorama, September 3, 2010 (Haatuf) – Suuqyada Ganacsiga ee magaalooyinka Boorama, Wajaale iyo guud ahaan galbeedka Somaliland ayaa laga dareemay hakad galay dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee ka socday deegaanadaasi, taas oo ay sabab u noqotay Hoos u dhac ku yimid qiimaha lacagta Birta Itoobiya oo waxa lagu kala iibsado suuqyada Wajaale, Boorama iyo Meelo Kaleba.

Sarifka lacagta Birta Itoobiya ayaa qiimaha doolarka ku ahayd halkii doolar 14.3bir, taas oo mar keli ah qiimuhu noqday 17.bir halkii doolar ka dib markii la sheegay in qiimihii sarifka ee bangiga Ethoipia uu kordhiyay kana dhigay 16.5bir halkii doolar, Arintaas ayaa keentay in suuqyada waaweyn ee Somaliland ay ku abuurto in albaabadu u xidhmaan oo uu ku yimaad baaxaa deg ganacsi.

Dhanka kale arintani waxay saamayn weyn ku yeelatay sarifka lacagta Somaliland oo halka bir ahaa 450SL/Shiling imikana mar keli ah noqday 350 shilin, taas oo iyadu saamayn ku yeelatay suuqyada ganacsiga iyo meheradaha ay wax ka gataan dadweynaha shacabka ahi. Suuqyada dalka ayaa la filayaa in lagu xisaabtamo qiimaha doolarka.

Mukhtaar oo ka mid ah dadka ku sugan deegaanka Wajeele oo khadka telefoonka ugu waramayey Haatuf ayaa sheegay in shalay qiimaha sarika lacgta Itoobiya lagu kala bedelayey 100 Bir ee lacagta Itoobiya lagu sarifayey lacagta SL/shilng 34,000 halkii uu hore loogu sarifayey 50,000 SL/shilling.

Dhanka kale waxa uu mukhtaar sheegay in $100 dollar ee lagu bedelayey 1400 Bir.